Guddoomiyaha X/S/K/Cagta oo u socdaalay xarunta FIFA

Tuesday February 06, 2018 - 01:43:58
0 Comments
2443
Super Admin
Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Cabdiqani Saciid Carab, ayaa u ambabaxay magaalada Zurich, ee dalka Switzerland, halkaas oo uu kaga qeyb geli doono shir ay yeelanayaan xubnaha ku jira guddiga FIFA.


Guddoomiye Cabdiqani ayaa ka tagay dalka Morooco, kaddib markii uu soo dhameystay shirar CAF ee dalkasi ka socday maalmihii lasoo dhaafay.


Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Cabdiqani Saciid Carab ayaa magaalada Zurich waxaa uu kaga qeyb geli doonaa shirka guddiga tartamada ee FIFA oo halkaas ka qabsoomi doona 8-da bishan Febraayo 2018-ka. Inta uu shirku socdo ayaa masuuliyiinta FIFA waxaa ay ka doodi doonaan arrimo ku saabsan diyaar garowga koobka kubada cagta aduunka ee sanadkan lagu qabanayo dalka Ruushka.



Shirkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee guddoomiyuhu ka qeyb galo tan iyi markii uu dabayqaqadii sanadkii tagay ka mid nqoday xubnaha guddiga maamulaya tartamada xiririka kubada Cagta aduunka ee FIFA.


Somali Football Federation Media Department

Email:info@somsoccer.com



Leave a comment