Garsooreyaal Tababar loo furay

Monday October 14, 2013 - 01:11:20
0 Comments
2632
Super Admin
Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa maanta tababar aqoon kororsi ah garoonka Stadium Banaadir uga furay garsooreyaasha heerka 1-aad iyo kuwa caalamiga ah ee kubada cagta dalka Soomaaliya, waxaana tababarkaas casharo ka bixinaya macalimiin dhawaan tababar heer caalami ah oo noociisu ahaa FIFA Futuro III kusoo qaatay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.


Tababarkan oo socon doona muddo 4 maalmood ah ayaa inta uu socdo waxaa garsooreyaasha la siin doonaa casharro la xiriira wax-yaabihii ugu dambeeyay ee kusoo kordhay xeerka kubada cagta aduunka iyo is badalada cusub oo ay macalimiintu kasoo kororsadeen koorsadii Addis Ababa dhawaan ka dhacday taasoo macalin Soomaaliyeed imtixaankii la qaaday uu galay kaalinta 1-aad.

Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Cali siciid Guuleed Rooble oo furitaanklii tababarka hadal ka jeediyay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in maanta tababar lagu qabto mid ka mida hoolalka waaweyn ee garoonka Stadium Banaadir oo muddo ku dhawaad 20 sanadood ah aan wax tababar ah lagu qaban.



"In maanta aan garoonkan ku shaqeyneyno oo tababarkuna ka soconayo hoolkan garoonka dhexdiisa ah waxaa ay ka mid tahay guulaha soomaaliya ay gaartay maxaa yeelay sida aad la soctaan ,markii hore dalka dibadiisa ayaan wax ku qabsan jirnay”ayuu yiri guddoomiyaha xiriirka cali saciid Guuleed Rooble oo munaasbadii furitaanka tababarka hadal ka jeediyay.

Waxaa uu guddoomiyhu amaan baraalan usoo jeediyay macalimiinta oo uu sheegay in wax ka yar 2 maalmood gudohood markii ay kasoo laabteen Addis Ababa ay tababarkan heerka sare ah ku abaabuleen, taasoo uu sheegay in ay muujineyso sida macalimiinta ay uga go’antahay in ay horumariyaan garsoorka dalka Soomaaliya.

"Waxaad heysatiin macalimiin aad idinkugu heelan una diyaar ah in ay aqoon iyo juhdi idin geliyaan sidaa daraadeed waxaan idinkula dardaarmayaa in aad ka faa’iideystaan macalimiintiina idiin heelan”ayuu guddoomiyuhu u sheegay garsoorayaasha tababarka loo furay.



Waxaa kaloo munaasabada hadalo kasoo jeediyay guddoomiye ku xigeenka xiriirka ee arimaha horumarinta gobalada Mudane Cabdulaaahi Abow Xuseen iyo guddoomiyaha guddiga garsooreyaasha ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ahna garsoore hore ee heer caalami Cusmaan Jaamac Diraac.

Tababarkan ayaa waxaa casharo ka bixinaya macalimiinta kala ah: Cabdi Cabdulle Axmed (Baasaale) Cali Maxamed Axmed (Cali Siciid) iyo Aweys Axmed Jimcaale (Dhaga Cadde).



Somali Football Federation Media Department

Email:somalifootballmedia@gmail.com

Leave a comment