Masuuliyiin iyo ciyaartoy la ganaaxay

Sunday October 06, 2013 - 19:58:10
0 Comments
2437
Super Admin
Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa ganaax saaray afar ka mid ah ciyaartoyda xulka qaranka Soomaaliya oo laga ganaaxay dhamaan cayaaraha gudaha iyo dibada muddo hal sano ah oo ka bilaabaneysa maanta oo Axad ah bishuna tahay October 6, 2013.


Sidoo kale laba ka mida guddoomiye yaasha naadiyada dalka ka jira oo kala ah Maxamed Daahir maxamuud (Xuurshe) guddoomiyaha naadiga Saxafi FC iyo Cabduillaahi Cilmi Warsame, guddoomiyaha naadiga FC Banaadir ayaa iyagana la saaray ganaax maanta dhaqan galay. Ganaaxn la saaray labada guddoomiye ayaa qeexaya in muddo laba sanadood ah ay mamnuuc ka yihiin ka qeyb qaadashada howlaha kubada cagta oo dhan.

Go’aankan adag ayaa lagu qaatay shir muddo saacado ah socday oo maanta uu yeeshay guddiga fulinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta, kaddib markii uu dhageystay guddiga fulintu warbixintii guddiga tartamada iyo warbixin uu isna soo gudbiyay xeer ilaaliyihiin cayaar dhex martay naadiyada Saxafi iyo FC Banaadir 30-kii bishii hore cayaartaas oo tirsigeeduna ahaa number 50 kana dhacday garoonka jaamacadaha ee Muqdisho.



Afrta cayaaryahan ee la ganaaxay oo ka tirsan xulka qaranka una cayaara naadiga Saxafi ayaa waxaa ay kala yihiin: Maxamed Xaashi siyaad oo loo yaqaano Duufaan, Cali maxamed Cali (Cali Madexeey) IIkar Daahir Amiin, iyo Cabdullaahi Cabdi Salaan Sheekh oo loo yaqaano Colow.

Cayaartoydan ayaa iyagana laga ganaaxay dhamaan howlaha kubada cagta ee gudaha iyo dibada taas oo macneheedu yahay in ay xitaa waayi doonaan fursadohoodii ay Soomaaliya ku matali jireen cayaaraha caalamiga ah.

"Iyadoo la tix raacayo warbixintii guddiga tartamada iyo warbixintii xeer ilaaliyaha cayaartaas dhex martay FC banaadir iyo Saxafi FC ayaa guddiga fulintu uu qaatay go’aankan adag, waxaana dhamaan cayaartoyda iyo madaxda la ganaaxay aan loo ogolaan doonin in ay rac-faanka qaataan go’aanka lagu ganaaxay oo ay tahay in ay dhameystaan mudadaas ganaaxa ka saaray”ayaa lagu yiri wareegto maanta kasoo baxday xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta.

Waxaa sidoo kale la baabi’iyay dhibcihii cayaarta, iyadoo sababtuna ay tahay qaladaad ka dhan ah qawaaniinta kubada cagta caalamiga ah iyo xeerka tartanka oo ay galeen labada kooxood.

Guddoomiyaha Naadiga Saxafi Maxamed Daahir Maxamuud (Xuurshe) iyo guddoomiyaha naadiga FC Banaadir Cabdullaahi Cilmi Maxamuud ayaa lagu helay dambi ah in ay ku dhaqmeen wax-yaabo ka dhan ah qawaaniinta kubada cagta, halka afarta cayaartoy ee la ganaaxay iyagana lagu helay in ay si cad uga qeyb qaateen fulinta qaladaadkaas ay madaxdu ku dhiiri geliyeen.

Madaxda la ganaaxay ayaa lagu helay dambi ah is afgarad ku aadan in fursado la isi siiyo si looga baaqsado in koox ay hoos ugu dhacdo heerka sadexaad, halka cayaartoyduna ay garoonka gudihiisa ku fuliyeen arrinkaas .


Guddiiga fulinta xiririka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa amaan balaaran usoo jeediyay Macalinka naadiga Saxafi FC Macalin Cali Maxamed Absuge (Cali Buu) oo ah macalin khabiir ah horayna dhowr jeer u hogaamiyay xulka qaranka oo lagu amaanay in uu si hufan ugu dhaqamay xeerka kubada cagta uuna dhowray shuruucda u dagsan ee lagu maamulo horyaalka dalka Soomaaliya.






Photos: By Omar Ibrahim SFF Media

Somali Football Federation Media Department

Email:somalifootballmedia@gmail.com

 

 

 

 

 



Leave a comment