Xiriirka Kubada cagta oo cafiyay masuuliyiin ganaaxnaa

Tuesday May 17, 2011 - 17:23:39
0 Comments
2928
Shaafici Muxyidiin
Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa soo saaray qoraal uu cafis ugu fidiyay Macalinkii hore ee xulka qaranka Maxamed Cbdulle Farayare iyo xoghayaha Naadiga Dekedda Muqdisho Cabdulaahi Maxamed Bashiir “Kuwaataro”


Kadib shir guddiga fulinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta uu ku yeeshay xaruntiisa magaalada Muqdisho laguna dhageystay codsiyo cafis doon ah oo ka yimid masuuliyiinta la cafiyay iyo naadiyada ah ka tirsan yihiin iyo iyaga oo kasoo noqday qaladaadkii horseeday in la ganaaxo ayaa guddiga fulinta xiriirk Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta waxaa uu ugu dambeyntii si buuxda isugu raacay in cafis guud loo fidiyo labada masuul.

 

Macalin Maxamed Cabdulle Farayare ayaa dib loogu celiyay aqoosnigiisii macalinimo iyadoo wixii xiligan ka dambeeyana uu fasax u yahay in uu shaqadiisa macalinimo kasii wadan karo halkii uu doono, halka Cabdulaahi Maxamed Bashiir “Kuwaataro” isna laga dul qaaday ganaaxii horay loo saaray.

 

Macalin Farayare iyo xoghayaha naadiga Dekedda  oo markii waraaqaha cafiska gacanta laga saaray kadib  hadlay ayaa sheegay in ay si weyn usoo dhaweynayaan go’aanka xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu uu ku saamaxay.

 

“Aad ayaan ugu faraxsanahay mar hadii dib la igusoo celiyay aqoonsigeygii macalinimo waxaana u diyaar ahay in aan sii laba jibaaro shaqadii wanaagsanayd ee horay la iiga bartay ee aan u hayay umada Soomaaliyeed”ayuu yiri macalinkii hore ee qaranka Maxamed Cabdulle Farayare cafiskiisa kaddib.

 

 

Somali Football Federation Media Department

 

+25250 930226 Office

+2521 600601 Fax

Website: www.somsoccer.com

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment