Macalin la ganaaxay digniin culusna loo diray.

Tuesday April 23, 2013 - 13:57:05
0 Comments
2748
Super Admin
File Attachment
Size: 96 KB
Guddiga arrimaha dishibiliinka ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa ganaax sadex ciyaar ah iyo mid lacageed dul dhigay Macalinka naadiga AMB express Ismaaciil Cali maxamuud kaddib markii uu ku kacay falal anshax darro oo ka dhan ah xeerka kubada cagta dalka iyo kan caalamiga ah.


Macalinka ayaa lagu ganaaxay in uu ka maqnaan doono sadexda cayaar ee ugusoo horeysa ee kooxdiisu yeelan doonto iyo in uu bixiyo lacag dhan 30$ iyadoona ganaaxas lagu dhawaaqay kaddib markii guddiga dishibiliinku dhageystay warbixinta garsooraha iyo warbixinta xeer ilaaliyihii cayaarta.

Cayaarta uu dambiga ku galay macalin Ismaaciil ayaa numberkeedu ahaa Match number 2 kana tirsan horyaalka heerka 2-aad ee dalka waxaana ay dhex martay naadiyada Saxafi FC iyo AMB express.



Macalinka ayaa sidoo kale loo jeediyay digniin ah in xiriirku kala laaban doono aqoonsiga tababarenimo ee uu ku shaqeysto hadii mar kale uu ku koco dambigaas oo kale ama wax la mid ah.

Macalimiinkan ayaa ka mid ah macalimiinta heysta shahaadada FIFA waxaana lasoo baray xeerka kubada cagta qeybta macalinka ka quseysa sidaa daraadeedna haduu mar kale ku xad gudbo waxaa uu waayi doonaa aqoonsigiisa tababarenimo sida ku cad warqada ganaaxa ee guddiga dishibiliinku soo saaray. Cayaarta shalay dhex martay Saxafi FC iyo AMB express ayaa ku dhamaatay 1-0 ay guushu ku raacday Saxafi FC.


NB
:Warqada ganaaxa ka download gareyso qeybta sare

By Cumar Ibraahim C/Salaan

Somali Football Media Department

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment