Guddoomiyaha CAF oo hambalyo u diray Guddoomiyaha K/Cagta Jabuuti

Sunday November 11, 2012 - 14:59:45
0 Comments
2129
Super Admin
Guddoomiya CAF
Guddoomiyaha Xiriirka Kubada cagta qaarada Africa ee CAF Ciise Xayaatu ayaa maanta dhambaal hambalyo ah soo gaarsiiyay Guddoomiyaha Xiriirka Kubada cagta dalka Jabuuti Suleymaan Xasan Waberi.

"Munaasabada doorashadaada awgeed oo laguu doortay guddoomiyaha xiriirka kubada cagta Jabuuti kaddib shirweynihii dhacay 10-kii Bishan November  aniga oo ku hadlaya magaca CAF iyo kan xubnaha guddiga fulinta waxaan kuusoo dirayaa hambalyo ku aadan guushan cusub”ayuu yiri guddoomiyaha Xiriirka kubada cagta Qaarada Africa Ciise Xayaatu oo qoraalkiisa sidoo kale soo gaarsiiyay xafiiska warfaafinta CECAFA.

Guddoomiyaha cusub Suleymaan Xasan Waberi  waxaa uu muddo dheer soo ahaa xeer ilaaliye FIFA iyo CAF iyo sidoo kale macalinka garsooreyaasha CAF, wuxuuna kaalin weyn kasoo qaatay horumarinta garsoorka kubada cagta dalkiisa iyo kan qaarada intaba.

Waxaa uu guddoomiyaha CAF qoraalkiisa  ku sheegay in ururkiisa ay ka go’antahay inuu sii wado taageerada kubada cagta Jabuuti si loosii xoojiyo xiriirka wada shaqeyneed ee u dhexeeya FDF iyo CAF waxaana uu guddoomiyaha cusub u rajeeyay in uu ku guuleysto howsha adag ee loo xil saaray.

"Mudane iga guddoon hambalyadeyda”ayuu dhambaalkiisa ku yiri Ciise Xayaatu oo u rajeeyay guddoomiye Suleymaan Waberi in uu shaqadiisa ku guuleysto.

Somali Football Media Department

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment