Wafdi ka socda X/S/K/Cagta oo ka qeyb galay shirka doorashada UAFA

Monday September 16, 2019 - 16:20:40
4 Comments
1945
Super Admin
Guddoomiye ku xigeenka arrimaha horumarinta goballada, Mudane Cabdullaahi Sheikh Nuur Axmed [Midig] iyo madaxa waaxda xiriirka Carabta, Maxamed Cusmaan Ibraahim, oo jooga shirka UAFA ee Jidda
Wafdi heer sare ah oo ka socda xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya ayaa ka qeyb galay shir weynaha doorashada xiriirka kubbadda cagta Carabta ee UAFA kaas oo maanta oo isniin ah kusoo gaba-gaboobay magaalada Jidda ee dalka Sacuudiga.


Shir-weynahan ayaa waxaa Soomaaliya ku matalayay wafdi uu hogaaminayay guddoomiye ku xigeenka horumarinta goballada Mudane Cabdullaahi Sheikh Nuur Axmed oo uu wehlinayay madaxa waaxda arrimaha Carabta Maxamed Cusmaan Ibraahim.

"Shirka waxaa soo xaadiray dhamaan dalalka jaamacadda Carabta, waxaana looga dooday arrimo muhiim u ah horumarinta kubbadda cagta ee dunida Carabta”sidaasi waxaa markii shirku soo dhamaaday kaddib waaxda warfaafinta xiriirka u sheegay guddoomiye ku xigeenka horumarinta goballada Cabdullaahi Sheikh Nuur Axmed.



Shir-weynaha ayaa lagu doortay Amiir Cabdulcaziiz Bin Turki Bin Faysal oo hogaamin doona ururka UAFA afarta sano ee soo socota. "Waxaan idinkaga mahad celinayaa in aad kalsoonidiina isiiseen, iina doorateen guddoomiyaha UAFA. Waxaan ballan qaadayaa in aan is badal weyn oo dhanka horumarka kubbadda cagta ah ka sameyn doono dunida Carabta”ayuu guddoomiyaha cusubi u sheegay wufuudda shirka intii ay socotay khudbadisii doorashada kaddib.

Somali Football Federation Media Department

Email:info@somsoccer.com



Leave a comment