Imisa ciyaaryahan ayaa la kala iibsaday ilaa iyo hadda?

Tuesday September 02, 2008 - 10:59:47
0 Comments
13999
Shaafici Muxyidiin
Ciyaaryahankii hore ee kooxda Arsenal Jose Antonio Reyes ayaa ugu dambeeyay kala iibsiga iyo wada xaajoodka suuqa kala iibsiga ciyaartooyda..

waxaana Reyes uu kooxda Benfico ugu biirayaa si deyn ahaan ah, iyadoo kooxda Atletico Madrid ay xaqiijisay in laacibooda wadan Spain ay si ugu biirayo kooxda Benfica ee wadanka Portugal.
 
Laakiin si rasmi ah ciyaaryahan lagu kala iibsado waxaa ugu dambeeyay laacibka wadanka Holland ee Rafael Van der Vaart oo si rasmi ah ugu biiray kooxda K/cagta ee Real Madrid ee wadanka Spain, waxaana Van uu heshiis 5-sano ah qalinka ugu duugay kooxda Real Madrid, wuxuuna buuxin doonaa booskii uu ka dhaawacmay saaxiibkiis Wesley Sneijder  todobaadkii hore dhaawac xoog leh uu ka soo gaaray seedka muruqa ee jilibka bidix.
 
Inta badan kooxaha Yurub ugu waaweyn waxay weli ku jiraan adeegooda ku aadan suuqa kala iibsiga ciyaartooyda, waxaana suuqu uu xirmi doonaa saqda dhexe ee habeenka Khamiista ah ee bishu ku beegan tahay 31, waxaan ilaa hadda ciyaartooyda la kala iibsaday ay kala yihiin:-

MACAGA KA TAGAY KU BIIRAY
José Antonio Reyes Atlético Madrid Benfica
 Van Der Vaart Humburg Real Madrid
Amaury Bischoff Werder Bremen Arsenal
David Bentley Blackburn Tottenham
Seydou Keita Sevilla Barcelona
Martín Cáceres Villarreal Barcelona
Robbie Keane Tottenham Liverpool
E. Diouf Bolton Sunderland
Sulley Muntari Portsmouth Inter Milan
C. Makelele Chelsea Paris
Guily Roma Paris
Lilian Thuram Barcelona Paris
Mancini Roma Inter
Ronaldinho Barcelona Milan
Mathui Flamini Arsenal Milan
Alex Hleb Arsenal Barcelona
Daniel Aleves Sevilla Barcelona
Deco Barcelona Chelsea
Oleguer Barcelona Ajex
Soldado Real Madrid Getafe
Paul Robinson Tottenham Blackburn
Román Martínez Arsenal Espanyol
Gilberto Silva Arsenal Panathinakos
Sami Nasri Marseille Arsenal
G.Zambrtotta Barcelona AC Milan
Amauri Palermo Juventus
Ezquiel Garay Santander Real Madrid
Hatem Ben Arfa Lyon Marseille



Leave a comment