Ururka Deegaan-Bile oo soo dhaweeyay cayaaraha Degmooyinka

Sunday December 25, 2011 - 10:05:46
0 Comments
2425
Shaafici Muxyidiin
Mid ka mida ururada bulshada rayidka Soomaaliyeed ee ka howlgala magaalada Mqudisho ayaa si weyn usoo dhaweeyay dhaq-dhaqaayada isboorti ee dalka ka jira si gaar ahan wuxuu u tilmaamay cayaaraha degmooyinka gobalka Banaadir oo xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu uu soo abaabulay gacan weyna uu ka geysanayo maamulka gobalka Banaadir.

 

Warsaxaafadeed ururka Daryeelka Deegaanka ee Deegaan-Bile uu soo saaray oo soo gaaray waaxda warfaainta xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa uqornaa sidan: 

 

Ururka daryeelka deegaanka ee Deegaan-Bille oo ka mid ah ururada bulsho rayidka ee wadda shaqeynta la leh dhallinyarada Soomaaliyeed, si dhallinyarada looga jeediyo falalka lidka ku ah dadka, duunyada iyo deegaanka.

 

Ururka waxa uu soo dhaweenaya dhaq dhaqaaqyada sporti ee cayaartooyda Soomaaliyeed ay ku lug leeyihiin, iyaga oo isugu jira Gabdho iyo wiilalba, waxaan hambalyo u direynaa dhammaan qaban qaabiyaasha koobka Degmooyinka Gobolka Bannaadir.

 

Jir caafimaad qaba baa leh maskax caafimaad qabta, waa murti qaali ah oo ka turjumeysa qiimaha sportigu u leeyahay bulshada, dhallinyarada waa xooga dalku leeyahay, waa hantida ummadda, jaheyntoodana waa waajib, hadii dhallinyaradu hellin fursado waxbarasho, mid shaqo ama waqti ay ku madadaashadaan sporti waxa suurtagal ah in ay qori qaataan ama marduuf qaad ah meel la fariistaan.

 

Wasaarada Dhallinyarada iyo Sportiga, Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbada cagta iyo Saxaafada Soomaaliyeed ee sida gaarka ah wax uga qorta arrimaha sportiga Soomaaliyeed waxaan uga mahadcelineynaa dadaalkooda ku aadan dib u soo nooleynta sportiga iyo baaraarujinta dhallinyarada.

 

Ururka Daryeelka Deegaanka ee Deegaan-Bille

Mogadishu-Somalia

 

Somali Football Media Department

 

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment