Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta oo soo dhaweeyay bogga cayaaraha ee Kaalin.com

Thursday August 14, 2014 - 22:28:21
0 Comments
2896
Super Admin
Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta ayaa si xoogan u soo dhaweeyay bogga Kaalin.com oo soo gudbin doono wararka cayaaraha , kaasoo uu aasaasay saxiib xiriirka kubadda cagta Soomaaliya ahna qoraa Maxamed Shuuriye Nuur


Warsaxafadeed ka soo baxay madaxa xafiiska warfaafinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta Shaafici Muxuyadiin Abuukar (Islow) ayaa waxaa lagu yiri "Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta waxa uu aad ugu faraxsan yahay soo shaac-bixida bog ka faalooda arrimaha isboortiga oo noocan oo kale ah , iyadoo milkayadiisa iyo maamulidiisa uu leeyahay saxafi saaxiib dhow la ah xiriirka.

 

"Markii uu soo baxay warka ku saabsan in uu hawada soo galay website-ka Kaalin.com waxa ay aheeyd farxad aad u weyn dhamaan xubnaha bahda kubadda cagta Soomaaliyeed, maxaa yeelay Website-ka waxaa iska leh saaxiib muddo dheer nalasoo shaqeeyay Maxamed Shuuriye Nuur , iyadoo suxufiga Haaruun Yuusuf Khasaaro ay shaqo wadaag yihiin , uu noqon doono tifaftiraha Website-ka” sidaasi waxaa yiri Madaxa warfaafinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta Shaafici Muxuyadiin (Islow).



 

Waxaa uu aad u amaanay labada dhalinyaro ee suxufiyiinta kubadda cagta ah doorka ay ku abuureen website waxtar leh oo daboolayo dhacdooyinka kubadda cagta ee ka jira dalka oo dhan.

 

"Ka hor inta uusan soo saarin website-ka , wariye Maxamed Shuuriye Nuur waligiis waxaa uu waqtigiisa u huri jiray soo gudbinta wararka kubadda cagta gudaha , waxaana abuurida webkiisa ay door fiican ka qaadaneeysaa wax walba oo kubadda cagta ah” waxaa sidaa hadalkiisa kusii daray madaxa warfaafinta xiriirka Soomaaliyeed kubadda cagta.

 

Website-kaan ayaa soo gudbin doona sheekooyin iyo aragtiyo kuwaas oo ku saabsan kubadda cagta Soomaaliya taas oo dhismaha naabadda qeeyb ka ah , waxa uuna sameeyn doona dallacaad ku aadan kulamadda dalka.

 

Somali Football Federation Media Department

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment