Dugsiga Macmuur oo ku dur duriyay dhigiisa Xamar Jajab

Thursday November 10, 2011 - 19:51:16
0 Comments
2874
Shaafici Muxyidiin
Wiilasha iskuulka Macmuur ayaa 6-0 ugu awood sheegtay wiilasha dhigooda ah ee iskuulka Xamar Jajab ciyaartii furitaanka tartanka dugsiyada oo galabta ka dhacday garoonka Iskuulka Maxamuud Mire ee magaalada Muqdisho.


Cayaartan oo ahayd mid aad u xiisa badan ayaa waxaa daawashadeeda kasoo qeyb galay masuuliyiin ka kala socotay xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta, ururka Ardayda Soomaaliyeed oo tartanka kala shaqeeyay xiriirka iyo marti sharaf kale.

Cali Cabdi Maxamed Cali shiino oo ah madaxa tartamada ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta oo munaasabadii furitaanka ka hadlay ayaa sheegay in ciyaaaha dugsiyadu ay macno weyn ugu fadhiyaan xirirka Soomaaliyeed ee kubada cagta.

“Waxaan idinku boorinayaa in aad muujiysaan ciyaar wanaag iyo saaxiibtinimo, waxaana ku rajo weynahay in badan oo idinka mid ah in ay heli doonaan fursado ayku matalaan xulka qaranka U 17 sanadaha dhow ee soo socda”ayuu cali shiino u sheegay caruurta labada dugsi ee tartanka lagu furay.

Xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta Cabdi Qani saciid carab ayaa dhankiisa sheegay in xiriirku uu laba ahmiyadood oo waaweyn ka leeyahay qabshada tartanka dugsiyada waa tan koobaade wuxu xiriirku doonayaa in horumarinta kubada cagta uu meesha ugu hooseysa oo ah caruurta dugsiyada kasoo bilaabo tan labadna waa in saaxiibtinimo iyo is dhex gal loo abuuro caruurta dhigta duigsiyo kala duwan xaafado kala fogna ku kala nool.

Tartanka kubada cagta dugsiyada ayaa ah mid sanadkiiba mar la qabto waxaana si wada jir ah uga shaqeeya xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta iyo ururka Ardayda Soomaaliyeed.

NB: Hadii aad u baahantahay sawiro dheeraad ah waxaad ka heli kartaa linkigan hoose ee qeybta English-ka ee Webka.

http://www.somsoccer.com/english/view.php?id=450

Somali Football Media Department

+252699 969815 Cell

+2521 600601 Fax

+2521 235057 Office

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment