Tartanka dugsiyada oo si xiiso leh u socda iyo Macmuur oo soo baxay

Sunday November 13, 2011 - 19:06:12
0 Comments
3851
Shaafici Muxyidiin
Iyadoo tartanka kubada cagta dugsiyada uu si xiiso leh uga soconayo garoonka iskuulka Maxamuud Mire ee magaalada Muqdisho ayaa wiilasha dugsiga Macmuur ay galabta usoo bexeen semifinalka kadib markii ay 8-6 ugu awood sheegteen wiilasha dhigooda ah ee dugsiga Jaabir Bin Xayaan

 

Cayaartii galabta ayaa ahayd tii ugu daawadayaasha badneyd tan iyo intii tartanku bilaabmay khamiistii hore.

“Tani waaa cayaarteenii labaad tan iyo markii uu tartanku furmay wiilasheyduna guushii labaad ayay maanta hanteen—waxaan ku rajo weynahay in koobka aan qaadno maadaama aan ka badinay dugsiga Jaabir oo sanadkii hore koobka naga qaaday”sidaasi waxaa shabakada wararka xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta  u sheegay maamulaha dugsiga Macmuur Macalin Feysal Cabdullaahi Yuusu kadib markii uu xaqiiqaday wiilashiisu in maanta ay semifinal usoo gudbeen.

Shalay sabtidii ayaa waxaa wada cayaaray dugsiyada kala ah Hoyga Xamar iyo Muqdisho primary and secondary school waxaana labada iskuul dagaal ba’an kadib ay isla dhaafi waayeen bar bar dhac 2-2 ah.

Laakin Iskuulka Gaheyr ayaa jimcihii 2 iyo waxba ugu awood sheegtay dugsiga AL-bushra cayaartaas oo ahady mid aad u adag soona jiidatay taageerayaal badan.

Dugsiga Macmuur ayaa iminka tartankla ku hogaaminaa 6 dhibcood,w axaana sida jadwalka ku cad barri dhici doona laba cayaarood.

Cayaarta hore waxay dhex mari doontaa dugsiyada Al-masal iyo Al-bushra halka cayaarta labaadna ay isaga hor imaan doonaan dugsiyada kala ah Horseed iyo Hoyga xamar.


Somali Football Media Department

+252699 969815 Cell

+25261 5582980 Cell

+2521 600601 Fax

+2521 235057 Office

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment