Maamullayaasha Naadiyada oo tababar loo qabtay

Wednesday September 14, 2011 - 17:59:29
0 Comments
2081
Shaafici Muxyidiin
Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta ayaa maanta oo Arboco ah waxaa uu tababr dhanka maamulka ah oo hal maalin soconayay u qabtay madaxda naadiyada kala duwan ee hoos-taga xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta.


Ka qeyb galayaasha Seminaarka ayaa ka kala yimid gobalada dalka Soomaaliya oo dhan waxaana ku jira wakiillada gobalada ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta.

Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta oo furitaankii tababarkan xaga maamulka ah ka hadlay Siciid Maxamuud Nuur ayaa sheegay in xiriirku uu xooga saarayo sidii uu sare ugu qaadi lahaa aqoonta xaga maamulka ah ee madaxda naadiyada kala duwan iyo wakiilada gobalada.

"Waxaan aad ugu rajo weynahay in adinkoo aqoontiina xaga maamulka ah ay aad u horumarsantahay aad timadaan congress-ka xiriirka ee sanadka dambe, xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagtu wuxuu ahmiyad weyn siinayaa sidii aqoontiina sare loogu qaadi lahaa si caalamka aad ula qabsataan marka loo eego xaga maamulka kubada Cagta”ayuu guddoomiyuhu u sheegay ka qeyb galayaashii tababarkan.


Dhankiisa xoghayaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta Cabdi Qani Saciid Carab oo munaasabadii furitaanka hadal ka jeediyay ayaa sheegay in caalamka kubada Cagtu ay aad u horumartay, inkastoo dhibaatoyin kala duwani ka jiraan dalka Soomaaliya hadana uu xiriirku doonayo in uu la tartamo xiriirada kale ee xubnaha ka ah FIFA ee dalalkooda nabad iyo dowlado fadhiyaahi ay ka jiraan.

"Waxaan dooneynaa in aan horumarino aqoonta maamul ee naadiyada kubada Cagta dalka, sababtoo ah marka naadiyadeenu horumarsan yihiin waxaa hubaal ah in horu-kac weyn ay kubada Cagta Soomaaliya ku talabsaneyso, taasina waa sababta aan xooga u saareyno arrinkan”sidaasi waxaa yiri xoghayaha guud ee xiriirka Cabdi Qani Saciid Carab.

Waxaa uu xoghayuhu sheegay in xiriirka Soomaaliyeed ay qorshaha ugu jirto in uu qabto tababaro kale oo dheeraada oo xaga maamulka ah ka hor inta aan la gaarin tababar heer caalami ah oo macalimiin ka socda FIFA bixinayaan laguna qaban doono gudaha dalka Soomaaliya sanadka soo socda.

"Aad ayaan ugu galad heynaa xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta oo maanta na siiyay casharro muhiim ah oo dhinaca maamulka kubada Cagta la xariira wax badan oo aanan ogeyn ayaana maanta ogaanay, waxaan codsanaynaa in tababarada naloo joogteeyo” sidaasi waxaa goobta ka sheegay Guddoomiyaha naadiga FC Banaadir Cabdullaahi Cilmi Maxamuud oo ku hadlayay magaca ka qeyb galayaashii seminaarka.


Seminaarku waxaa uu ka dhacay Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho oo xiriirku badanaa ku qabsado tababarada dalka gudhiisa ka dhacaya iyo shirarka waaweyn, waxaana casharada ka bixinayay xoghayaha guud ee xiriirka Cabdi Qani Saciid Carab, halka iku duwe uu ka ahaa madaxa waxbarashada xiriirka Cali Maxamed Axmed.

Dhanka kale shirweynaha sanadlaha ah ee Xiriirka Soomaaliyeed ayaa lagu wadaa in barri uu ka qabsoomo magaalada Muqdisho waxaana uu sanadkan kaga duwan yahay sanadihii hore iyadoo lagusoo bandhigayo buug weyn oo ku qoran luqada Englishka oo ka hadlaya wax qabadkii xiriirka ee sanadkii tagay.

Buugan waxaa qoray madaxa waaxda warfaafinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta Shaafici Muxuyadiin Islow oo sheegay in sanad kasta buugan oo kale lasoo saari doono. "Waxaan noo qorsheysan in sanad kasta aanu soo saarno buug kasii horumarsan kana tayo wanagsan midkii hore” ayuu yiri Shaafici Muxuyadiin Islow.

Waxaa sidoo kale shirweynahay lagu soo bandhigayaa funaanado, qalimaan, buugaag kuwa wax lagu qorto ah iyo boorsooyin kuwa dokumentiyada lagu qaato ah oo dhamaantood ay ku daabacantahay astaanta xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta, waxaana taasi ay cadeyn u tahay horumarka weyn ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagtu uu ku talaabsday.

Shirarka FIFa ee sanadlaha ah ayaa lagu bixiyaa qalab sidan oo kale calaamada FIFA ay ku daabacan tahay waxaana xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu uu sanadkan noqday mid ku talaabsaday horumar aanay wali gaarin xiriirada dhigiisa ah ee Africa.

Somali Football Federation Media Department

 

+2521 235047 Office.

+25250 930226 Office

+252699 969815 Cell

+25261 5582980 Cell

Email:somalifootballmedia@gmail.com


Leave a comment