Aweys Fuundi:"Kooxdeenii Horseed dhamaan kooxaha kale waxay ula ciyaarayeen sida cadow oo kale"

Friday August 26, 2011 - 13:08:55
0 Comments
2787
Shaafici Muxyidiin
Aweys Muuse Arboow oo loo yaqaano Aweys Fuundi waxaa uu ka mid ahaa xidigihii lagu dhaaran jiray ahaa ee soo maray kubadda cagta dalka Soomaaliya,waxaana uu ka ciyaarayey lambarka 2-aad ee daafaca isagoo u saftay naadigii caanka ahaa ee Ciidanka xooga dalka ee Horseed oo ka mid ahayd naadiyadii ugu adkaa ee dalka bari-samaadkii magaceeduna ku faafay Dalalka Afirca iyo kuwa Carabta.


Aweys Fuundi oo iigu waramayey khadka Isgaarsiinta ee magaalada Atlanta ee cariga dalka Mareykanka waxaa uu ka sheekeeyay Sportigii beri samaadkii dalka Somalia iyo sida uu ahaa, waxaana uu xusay in xusuutiisu marnaba ka go'i doonin bahdii iyo taageerayaashii kubadda cagta dalka iyo kaalintii Soomaaliya hiigsanaysay ka hor burburka.

 

Waxaan weydiiyey xiligii uu ku soo biiray kubadda cagta oo uu ku caan baxay iyo naadigii ugu horeeyey ee uu ku bilaabay,Waxaana uu iigu jawaabay "Kubadda cagta waa mihnadeydii aan aadka u jeclaa, waxaanana ku biiray sanadkii 1976-kii xiligaasi waxaan u ciyaaray kooxdii howlaha guud iyo guriyeynta ee Jeenyo oo heerka B igu qaadatay,sanad ka dibse waxaan usoo talaabay Horseed oo aan si rasmi ah uga mid noqdey 1977 markaasina waxaa la ii qaatay Xulka qaranka".

 

Naadiga Jeenyo xiligaasi aan ku biiray ee 1976 horyaallkii junerska waxaa ku guuleysatay oo ku soo biirtay heerka koowad kooxdii MBC ama Madbacadda sidaasi darteed aniga waxaa ila soo xiriirtay Horseed oo horyaalkii heerka 1-aad markaasi soo qaaday waana ogolaaday,waxaana jirta in Horseed sanadkaasi aan ku biiray  ay qaaday shan horyaal oo xiriir ah oo aysan jirin koox ka dhexgashay.

 

Kubadda cagta waxay leedahay guul iyo guul-daro, farxad iyo naxdin kuguna reebta xusuusta aan marnaba kaa go'eynin sidaasi darteed Aweys waxaan weydiiyey intii uu ciyaarayey kubadda cagta Guushii ugu weyneed ee uu ku farxo iyo Guul-daradii ugu balaarneyd ee uu xusuusto?

 

Haa runtii waa wax jira in guul iyo guul-daro laga fisho ciyaar, hase yeeshee hadii aan xuso labadii ciyaarood ee iigu farxadda badneyd Mida koowaad Garoonka Stadium muqdisho ayaanu kula ciyaarayney Waxool 1980-kii waxay doonayeen inay noo celiyaan Jeenyo oo iyaduna kulankaasi rajadoodu ku xirneyd hadii aan guul-daro kala kulano Waxool horyaalka Jeenyo ayaa qaadi lahayd,hadii barbaro aan galnana waxaa kulan Final ah isugu tegi lahayn Jeenyo.

 

Galabtaasi Waxool aad ayey ugu dadaashey inay na celiyaan, laakin daqiiqadii ugu danbeeysey ayaa gool aanu helnay,waxaana inoo dhaliyey C/ladhiif sidaa ayaanu ku qaadnay Horyaalkii, farxaddaasi qalbigayga kama go’eyso,

 

farxaddeyda labaad ee aan xusuuto waxay ahayd kulankii dibadda aan kula soo dheelnay Masar wey naga soo badiyeen, kulankii kale ee ay inoogu yimaadeen Stadium Muqdisho kooxda Al-muqaawiluun waxana ku garaacnay 2-0 taasina waa farxadeyda aan xusuusto sanadkii 1984 ayeyna ahayd"

 

Guul-daradii  sida weyn aan u xusuusto ee nagu dhacda waxaa ka xusi karaa kulankii Gaadiidka ay inooga badiyeen 3-1 kulankaasi oo horyaalkii 1978 lagu qabtay garoonka Stadium Conis uu qeyb ka ahaa,inkastoo wareegii labaad aanu ka aarsanay oo 5 gool uga badinay hadana  guuldradaasi aad ayaan xusuustaa.

 

Laacib kastaahi waxaa uu aad u dhibsadaa ciyaaryahan ka soo horjeeda oo marka uu kubadda kala hortago ay ku adag tahay in uu celiyo ama uu ka reebo kubadda hadii uu difaac yahay hadaba Difaacii qaranka iyo Horseed Aweys waa kuwama weeraryahanadii uu dhibsan jirey marka ay kubadda la tagaan baalkiisa?

 

kkkkkkk Haa dabcan wey jireen ciyaartoy aad u wanaagsan oo uu dalku lahaa dhamaan kooxaha,laakin aniga shaqsiyan waxaan aaad u dhibsanaayey Allaha u naxariistee labadii xidig ee Shiikhaaloow,iyo C/laahi Cabdi (DheeymankaMadow)oo kubadoodu aad u culuseyd, sidoo kale waxaa soo raacayey Bashiir Jeenyo & Maxamed Xaaji uureey waxay ahaayeen ciyaaryahano halis ah laakiin anigana waan ku xisaabtami jirey maadaama aan ahaa difaac tababar iyo diyaar garoow qabay.

 

Yaad ka xusuusan kartaa ciyaaryahandii aad isku naadiga aheydeen?

 

Aad ayeey u badan yihiin xidigihii aanu isku kooxda ahayn ee mudo kow iyo toban sano hal naadi ka wada tirsanayn waxaana ka mid ah:Goolhaye Jeylaani qaliif, Iskoot,C/kuus,Shaash C/latiif,Cabdaliini,killer,Maxamed Ismaacill,Shidane,C/naasir,Cafiifa iyo qaar kale oo badan waxaana macalin inoo ahaa tababarihii weynaa ee Ibraahim Maxamed Xirsi (Ibraahim Suudaani)

 

Horseed wallow ay taageero badneyd hadana kooxaha ka soo horjeedey ee dalka ka jiray dhamaantood waxaa ay si ka duwan marka ay iyaga ciyaarayan ugu tabaabusheysan jireen kulanka ay Horseed la dheelayaan hadaba Aweys yuu ka xusi karaa Kooxaha sida gaarka ah xafiltanka uu kala dhexeeyey?

 

Haa waa jireen kooxo aadka inoola dagaalamyey waxaa ka mid ah Jeenyo oo ugu horeysay,sidoo kale Minishiibiyo ayaa soo galaysay,Anaga marka aan ciyaareyno koox kasta waxaa ay inoo tirineysay cadow oo sida cadowgii oo kale ayey inoola dheelayeen,anagana waan ku soo talo gali jirnay arinkaasi.

 

Iminka waa la kala tegey bur-burkii ka dib,ciyaaryahanadii waaweynaa ee dalka qaar wey geeriyoodeen,qaar xaalado adag ayaa dalkii ku heeysta,halka tirada ugu badana ay dibadda ku suganyihiin,hadaba ma jiraa xiriiro aad la leedihiin guud ahaan bahdaasi sportiga,Adiguse maxaad ka qabataa dalka mareykanka oo aad ku nooshahay?

 

Dalkan Mareykanka waa uu ka duwan yahay dalalka kale ee qaaradda yurub, sababtoo ah halkaan waa inaad shaqeysaa waana ku qasban tahay maadaama uu Family kula xiriiro ama qoys,taasi oo ay jirtana isma moogin dhamaan ciyaaryahanadii dalka ee ku sugan dibadaha,sidoo kale inaga Horseed ahaan waxaa jira inaan isla xiriirno ciyaartoydiii iyo bahdii Horseed ee gudaha dalka ku sugan waxaa jira barnaamijyo gaar ah oo aanu u qabano.

 

Wallow Sportiga uu yahay mihnad aan marnaba laga weynaan karin ka waran ma isku daydaan inaad soo saartaan ciyaaryahano xiliyada aad firaaqo tihiin

 

Haa halkaan waxaan ka dhisnay urur Sportiga iyo dhaqanka oo Atlanta oo uu gudoomiye ka yahay Dr Cali Cismaan Cali sidoo kale Ceydiid oo jeenyo ka tirsanaa ayaa ku jira ururka,waxaanu diyaarinaa ciyaaryahano aad u da,yar tartamo ayaanu u qabanaa sanad kasta,mareykanku aad ayuu u weynyahay gobolada kale ayaanu u tagnaa ciyaaro,

 

Ka waran waxaa jira ciyaaryahano Soomaaliya u dhashay oo ka soo if-baxaya kooxaha qaaradda yurub tusaalle ahaan Wiilasha uu dhalaya Cadaay,Ayub Daud,feyruz,oo gobalka Scotland ka ciyaara iyo Ahmed sheegoow iyo cali Afgooye.

 

Sideedaba Mareykanka kubadda cagta waxay ka xiiseeyaan ciyaaraha kale sida baseball-ka basketballka iyo ciyaaro kale, walow kubadda cagta laga dheelo sidaasi ayeey kubadda cagta uga duwan tahay qaaradda yurub marka aad ayaan u soo dhoweynayaa in maanta magaca Ciyaaryahanada Soomaaliyeed ay gaaraan heerkaasi.

 

Naaneysyada ay lahayd kooxda Horseed aad ayey u fara badnaayeen, waxaaana ay isugu jirtey qaar ay taageerayaasha bixiyeen,iyo qaar ay bixiyeen taaageraashii ka soo horjeedey Horseed, waxaana ka mid ah "Gar iyo Gardaro" aweys muxuu ka yiri aaminsanaanta taageerayaasha qaar ee ah in iyagu guushu ku lahaayeen Gar iyo Gardaro"?

 

Wallaahi anaga waxaan ahayn koox weyn waana ku xisaabtamaynay inaan guuleysano marka taageerayaal iska careysnaa oo naga soo horjeeday ayaa iska yiri ee ma jiraan waxyaabahaasi ayuu yiri.

 

Ugu danbeyntii waxaa uu salaan hawada u marsiiyey bahdii sportiga guud ahaan iyo umadda soomaaliyeed ee dhibaatadu ay dalkii ku heeyso isagoo Alle ugu duceeyey in uu Soomaalida dhibaatada ka saaro.

 

C/xafiid C/samad Zaciimka

zaciimka02@hotmail.com

+2525517722/+252699990500

 

Somali Football Media Department

+25250 930226 Office

+2521 235047 Office

+2521 600601 Fax

 

Email:somalifootballmedia@gmail.com

 



Leave a comment