CECAFA oo soo dhaweysay dhiiri-gelinta Madaxweyne Xasan Sheekh la garab istaagay kubada Cagta

Wednesday November 20, 2013 - 02:00:26
0 Comments
2593
Super Admin
Isagoo tix-raacaya ballan qaadkii uu sameeyay madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya ee ku aadanaa in uu dhiir-gelinayo kubada cagta Soomaaliya ayaa xoghayaha guud ee ururka kubada cagta bariga iyo Bartamaha Afrika ee CECAFA Mr. Nicholas Musonye wuxuu si weyn usoo dhaweeyay sida madaxweynaha Soomaaliya uu u fahmay muhiimada kubada cagtu u leedahay nabada iyo is dhex galka isagoo Salaan usoo diray madaxda dowlada oo uu mdaxweynuhu ugu horeeyo.


Xogahayaha guud ee Ururka CECAFA Mr. Nicholas Musonye oo qoraal-kan soo marsiiyay xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa sheegay in nabada ka jirta Soomaaliya ay ku dhiiri-gelineyso ururkiisa CECAFA in uu mid ka mida tartamada Under 17-ka ee CECAFA usoo raro dalka Soomaaliya laguna qabto magaalada Muqdisho mustqabalka dhow.

"Mudane xoghaye Guud Cabdi Qani Saciid Carab, shaqada aad wadaan waa mid aad u wanaagsan oo aan ku qanacsanahay, wan ku farax-sanahay runtii sida aad isugu keenteen dhalinyarada Soomaaliyeed oo aad u marteen kubada cagta”ayuu dhambaalkiisa ku yiri xoghayaha guud ee CECAFA Nicholas Musonye.



"Waxaan idinku dhiiri gelinayaa in aad sii laba jibaartaan howshan xirfadeysan oo gacan ku siineysa dhalinyarada Soomaaliyeed inay iloobaan dhaawacyadii hore ee laga dhaxlay dagaalada iyo sharci darrada mudada dheer ka jiray Soomaaliya—Sida aan rumeysanahay mustaqbalka dhow mid ka mida tartamada dhalinyarada ee CECAFA ayaan keeni doonaa Soomaaliya oo lagu marti gelin doonaa”ayuu hadalkiisa sii raaciyay xoghayaha ururka kubada cagta bariga iyo bartamaha Afrika Mr Nicholas Musonye oo sanadihii lasoo dhaafay aad ugu ololeynayay nabada iyo horumarka Soomaaliya iyo in cayaaraha CECAFA la keeno dalkan.


Hadalka kasoo baxay Mr Nicholas Musonye ayaa ah kii sadexaad oo noociisa oo kale ah oo sanadkan gudihiisa uu ka dhawaajiyo, isagoo xusay in uu aad u daneynayo in tartamada CECAFA la keeno dalka Soomaaliya si buu yiri indhaha caalamnka si weyn loogusoo jeediyo dalka Soomaaliya si looga gacan siiyo in dalku kasoo kabsado dhibaatooyinkii ay reebeen dagaalo iyo qalalasooyin kuwii ugu xuma ee dunida soo maray oo Soomaaliya ay la kulantay muddo ka badan 20 sanadood oo lasoo dhaafay.


"Waxaan rabaa in aan salaan qaali ah u gudbiyo hogaamiyeyaasha dalka Soomaaliya oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Professor Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galay daawashada cayaar kubada cagta ah Talaadadii—waxaan weydiisanayaa madaxda xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta inay salaan iyo hambalyo iga gaarsiiyaan madaxweynaha Soomaaliya”ayuu dhambaalkiisa ku yiri xoghayaha guud ee CECAFA Nicholas Musonye.

Isagoo ku hadlayay magaca ururka CECAFA ayuu Mr Nicholas Musonye sheegay in ururkiisu uu aad usoo dhaweynayo hadlakii uu madaxweynaha Soomaaliya sheegay ee ahaa in uu taageero iyo dhiiri gelin la garab taagan yahay kubada cagta Soomaaliya.

"Hadalkii madaxweynaha Soomaaliya wuxuu marqaati u noqonayaa sida madaxda Soomaaliyeed ay u fahmeen awdooda kubada cagtu u leedahay isu keenida bulshda iyo nabada doorka ay ka cayaarto—waxaana idinku bogaadinayaa in aad sii wadaan barnaamijyada waaweyn ee aad ku guda jirtaan, waana idinku amaanayaa sida joogtada ah ee caalamka kubada cagta aad ula socodsiisaan shaqooyinka horumarka leh ee aad dalka ka wadaan”ayuu dhambaalkiisa kusoo gabagabeeyay xoghayaha guud ee Ururka kubada cabgat bariga iyo Bartamaha AFrika Mr Nochilas Musonye.


Somali Football Federation Media Department

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment