XSKC oo xaflad Gunaanad ah u qabtay Horyaalkii Heerka 3-aad

Sunday January 16, 2011 - 22:26:39
1 Comments
3207
Shaafici Muxyidiin
Xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed ayaa xaflad si heer sare loo soo agaasimay ku gabagabeeyay horyaalkii 6aad ee heerka 3aad, waxaana Xafladan lagu qabtay Hotel-ka Sahafi International ee magaalada Muqdisho.


Horyaalka heerka 3aad ayaa wuxuu dhamaaday 29 November ee sanadkii hore, lakiin sababaha gunaanadka ayaa waxaa soo dhexgalay xiriirka oo ku mashquulsanaa ciyaarihii gobolada dalka.

Xoghayaha guud ee XSKC Cabdiqani Saciid Carab ayaa ugu horeyn ka warbixiyay in Xiriirku ahmiyad gaar ah uu siiyay horyaalka heerka 3aad, wuxuu arintaasi sabab ugu dhigay in xiriirka raadinayaan ciyaaryahano cusub .

"Ciyaaryahano da`yar ayaa ka qeybqaatay tartankan 15-16, micnahuna waa in la abuuro ciyaaryahano cusub oo xirfad leh"

"Waan ku faraxsanahay waxaan qabanay , 80 ciyaaryahano xirfad leh ayaan diiwaan gelinay oo aan u furayno tababaro xirfadooda kor loogu qaadayo, 9 kooxood ayaa ka qeybgalay ciyaarahan heerka saddexaad waxay ka yimaadeen ciyaaryahanada, iskuulada, ciyaaryahano hore hub u sidan jiray, kuwo dib jiro ahaa. waxaan ku dhaqan celinay Barnaamij Nabadeedka Isboortiga ee uu xiriirka wado." Sidaas waxaa sheegay Xoghayaha guud XSKC C/qani Saciid Carab.

Guddoomiye ku xigeenka XSKC Cali Saciid Guuleed ayaa dhinaciisa sheegay  inay dadaal badan u galeen qabashaada tartankan wuxuu sheegay in xiriirku qabanayo tartamo si loo horumariyo kubadda cagta Soomaaliya.

Guddoomiyaha GOS Aadan Xaaji Yabaroow [Wiish] ayaa sheegay  in sanadkii la soo dhaafay u xiriirka qabtay shaqo cajiib ah wuxuu ku dhiirigeliyay in ay sanadkan cusub qabtaan howlo ka baaxad weyn kuwii hore.

"Hore waan u sheegay, in aysan isku qiimo noqon doonin xiriirada waxqabadka muujiyay iyo kuwo aan waxba qaban, waxaana xiriirada iyo xubanaha sare ee GOS ku boorinayaa inay dadaal dheeraad ah muujiyeen si looga miro dhaliyo horumarinta ciyaaraha Soomaaliya." Ayuu yiri Guddoomiye Wiish.

Ugu danbeyn Wasiir xigeenka Wasaarada Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Isboortiga ee Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Xiddig ayaa ku dhiirigeliyay Xiriirka K/Cagta si ay u labalaabi lahaayeen waxqabadkooda wuxuu sheegay in Isboortigu qeyb weyn ka qaadan karo Isdhexgalka bulshada iyo ka hortagga dhaqamada xun xun.

"Waxaan idin rajeynayaa guul in lagu talaabsado , oo aan aragno inaan koobab ka hanano caalamka. Hadafkaasna waa muhiim inaan gaarno." Ayuu ku soo xiray xafladda Wasiirka ku xigeenka Isboortiga Md. Xiddig. 

Xafladdan ayaa gabagabadii waxaa lagu bixiyay abaalmarino isugu jiray koobab iyo lacago, waxaana xafladan shahaado sharafyo lagu guddoonsiiyay warbaahinada sida weyn uga qeybqaatay tebinta sida www.isboorti.com, International Sports Press Association AIPS, www.playthegame.org, www.newsblaze.com, Radio Mogadishu, Radio TUSMO, Simba Radio, VOD Radio, Radio Shabelle iyo Xurmo Radio.



Leave a comment