Xulka Gobalka Banaadir oo final-ka Taagan.

Tuesday December 28, 2010 - 22:13:57
0 Comments
3535
Shaafici Muxyidiin
Iyadoo tartanka kubada cagta gobalada Soomaaliya ee nabada iyo horumarintu uu gabagabo ku dhowyahay ayaa xulka kubada cagta ee gobalka Banaadir waxaa uu galabta xaqiiqsaday in uu finalka soo istaago, kadib markii uu ka adkaaday xulka martida loo yahay ee gobalka Nugaal.


Cayaarta oo ahayd mid aad u adag oo laba xulba ay soo bandhigeen awoodoodii kama dambeysta ahayd ayaa waxaa 90-kii daqiiqadood ee loogu tala galay ay kusoo idlaatay 1-1 oo way kala adkaan waayeen inkastoo xulka gobalka Banaair goolka ku hor maray.

 

Markaa kadib ayaa cayaarta lagu daray waqti dheeraad ah, kaas oo aan waxba soo kordhin oo hadana labada kooxood kalama adkaan, laakin rigoreyaal loo dhigayayaa waxaa ay xulka gobalka Banaadir ku badiyeen 5-3 sidaana xulka gobalka Nugaal ayaa ku macsalaameeyay tartanka 18-aad ee gobalada Soomaaliya.

 

“Cayaartani waxaa ay ahady tii ugu adlkeyd ee aan dhex dhexaadiyo tan iyo intii tartanku bilowday laba todobad ka hor”sidaasi waxaa saxaafada u sheegay garsoore caalami ah Cabdi Cabdulle Axmed Baasale oo cayaartan garsoorayay maanta.

 

Kaaliyeyaasha garsoore ee iyaguna caalamiga ah Maxamed Xasan Fiidow iyo Saalax cumar Abuukar ayaa iyaguna garsooraha caawinayay halka xeer ilaaliyaha cayaartuna uu ahaa Cali Maxamed Axmed oo isna horay garsoore caalami ah u ahaan jiray.

 

Galabta Jimcaha ayaa waxaa xulka gobalka Banaadir ay is haleeli doonaan xulkii adkaada gobalada Bari iyo Jubada hoose oo barri cayaari doona, halka xulka gobalka Nugaal ee maanta laga adkaadayna uu subaxda Jimcaha ah la cayaari doono labada xul ee barri dheelaya midka laga badiyo iyagoo u tartami doona kaalinta 3-aad ee tartanka.

 

Tartanka ayaa lagu wadaa in uu soo idlaado jimcaha, waxaana tartankani uu yahay kii ugu horeeyay ee dalka Soomaaliya lagu qabto tan iyo 1987-kii.

 

Somali Football Media Department

 

+252699 969815 Cell

+25250 930226 Office

+2521 600601 Fax

 

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment