Adebayor oo ka qeyb qaadanaya maareynta Musiibo ka dhacday wadankiisa Togo.

Monday September 01, 2008 - 17:11:31
0 Comments
3232
Shaafici Muxyidiin
Weeraryahanka kooxda Arsenal iyo xulka wadanka Togo Emmanuel Adebaroy ayaa si aan kala go' laheyn u wada dadaal xoogan oo uu ku doonayo sidii loo maareyn lahaa musiibo xoog leh oo ka dhacday inta badan wadanka Togo...

kaddib markii daadad xoog leh ay xaaqeen gobolo ka tisan wadanka, kuwaas oo sababay barakaca dad gaaraaya 70,000 oo qoys.

Adebayor oo todobaadkii hore dowladda wadanka Togo soo gaarsiiyay lacag gaareysa 100'000 oo dollar ayaa haddana wada qorshe kale oo gar gaar ah oo dadkaas waxa loogu qabanayo, waayo waxaa jirta cunto yari xoog leh oo ay sabab u tahay  in ay gaadiidka gar gaarka ee qoyks Adebayor ay soo direen in ay gali waayaan dhulka dhibku ka jiro, waayo waxaa daadadku qaadeen 11 buundo oo isku xiri jiray gobolada wadanka.

Mrs Alice Emiola Adebayor oo ah hooyada ciyaaryahanka ayaa todobaadkii hore wasiirka ammaanka ee dowladda Togo Colonel Atcha Tikikpina Mohammed iyo Maimounatou Ibrahima  oo ah wasiirka gar-gaarka Bini'aadanimada waxay la yeelatay shir ballaaran oo ku saabsan sidii dadkaas dhibaateysan ay u gaarsiin lahaayeen gar gaarka bini'aadanimo oo uu Adebayor u fidinayo walaalihiis reer Togo, iyadoo ay u dhiibtay jeeg ay ku saxiixan tahay lacagta gar gaarka ee wax loogu qabanayo dadka go'doonsan oo hadana hanti beelay.

Bisha soo socota ayuu Adebayor wadankiisa Togo dib ugu laaban doonaa, waxaana hadda uu ku mashquulsan yahay olole xoog leh oo dadkaas wax loogu qabanayo, isagaoo la xiriiray hey'ado caalami ah iyo saaxiibadiisa kooxda Arsenal, waxaana uu diyaariyay dhowr diyaaradood oo dadkaas lagu taakuleeyo.



Leave a comment