Guddoomiyaha iyo Xoghayaha X/S/K/Cagta oo Nigeria uga qeyb galaya Shir madexeedka FIFA

Sunday February 18, 2018 - 19:32:59
0 Comments
2407
Super Admin
Wafdi heer sare ah oo ka socda xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta ayaa oo uu hogaaminayo guddoomiye Cabdiqani Saciid Carab ayaa gaaray dalka Nigeria ka hor shir madexeedka FIFA ee ka dhacaya magaalada Lagos.


Guddoomiyaha ayaa waxaa safarkiisa ku wehlinaya xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Cagta Xasan Maxamed Maxamuud. Madaxda Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada Cagta ayaa maanta oo Axad ah gaaray magaalada Lagos, halkaas oo uu shir madexeedka FIFA ka furmi doono maalinta Talaadada ah ee bishan Febraayo tahay 20-ka.


Somali Football Federation Media Department

Email:info@somsoccer.com



Leave a comment