Cali Baxaar oo hogaanka u haya loolanka gooldhalinta

Wednesday November 17, 2010 - 18:42:13
0 Comments
2352
Shaafici Muxyidiin
Cayaryahanka da’da yare ee u saftra kooxda Jamhuuriyo Cali Maxamed Awow oo ku magac dheer Cali Baxaar ayaa galabta hogaanka u qabtay loolanka gool dhalinta ee tartanka horyaalka 6-aad ee kooxaha heerka 3-aad ee dalka Soomaaliya.


Cayaaryahan Cali Baxaar oo horay u lahaa 5 gool ayaa galabta cayaar ay kooxdiisu la yeelatay CCD waxaa uu dhaliyay 2 gool sidaana waxaa uu ku qabtay hogaanka loolanka gool dhalinta.

 

“Waxaa iga go’an in aan qaado gool dhalinta si aan jeebka ugu rito boqolaalka doolar ee Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu uu u balan qaaday cayaaryahankii gool dhalinta ku guuleysta” ayuu saxaafada u sheegay Caayaaryahan Cali Baxaar oo ay ka muuqatay farxad weyn oo aan la qiyaasi Karin.

 

Cayaaryahanka kale ee la yiraahdo Cabdul Qaadir Muxuyadiin oo usafta kooxda Hilaac ayaa isna kusoo xiga waxaana uu leeyahay 6 gool, halka ay jiraan cayaaryahano kale oo leh min 5 gool.

 

Laakin si kastaba ha ahaatee tartanka wali fari kama qodna waxaana soo bixi kara cayaaryahano kale oo ay suuragal tahay in ay goolal badan dhaliyaan,lase arki doonee sida ay wax ahaadaan marka uu tartanku dhamaado iyo cayaarayahnka ay u suuragasho in uu lacagta faraha badan ee abaal marinta ah jeebka ku rito.

 

Somali Football Media Department

+25250 930226 Office

+2526 99 969815  Cell

+2521 600601 Fax

Somali Football Media Department



Leave a comment