Wiilasha Soomaaliya oo barri wajahaya Dhiggooda Kenya

Thursday August 15, 2019 - 13:55:12
0 Comments
1176
Super Admin
Xulka qaranka kubbadda Cagta dalka Soomaaliya ee da'doodu ka yartahay 15-ka sano laguna naaneeso Ocean Stars Youngsters ayaa Wajahi doona dhiggoodda Kenya cayaarta furitaanka ee CECAFA U-15 Championship oo sanadkan lagu qabanayo dalka Eritrea.


Cayaartoyda Soomaaliya ayaa maanta oo khamiis ah sameeyay tababarkii ugu dambeeyay iyagoo barrio o jimco ah wajahaya dhigooda Kenya. 

Tartankan CECAFA U-15 Championship ayaa ah kii ugu horeyay ee noociisa ah ee CECAFA qabato waxaana guddoomiye ku xigeenka CECAFA ahna guddoomiyaha xiriirka kubbadda Cagta Soomaaliya Cabdiqani Saciid Carab uu sheegay in CECAFA go’aansatay in tartankan la qabto si wadamadu helaan xulal tayo leh oo U-17 ah laba sanadood kaddib loogana fogaado qiyaamidda da’da tartamada dhallinyarada CECAFA ee sanadaha inasoo aadan. Shabakadda somsoccer.com waxay soo tebin doontaa warbixinada tartanka gaar ahaan cayaaraha ay dheelaan xulka dalka Soomaaliya insha Allah.








Waaxda warfafinta xiriirka kubbadda Cagta Soomaaliya

 

Email:info@somsoccer.com



Leave a comment