Midnimo oo maanta ku dhawaatay in ay guul hesho

Saturday November 13, 2010 - 13:25:58
0 Comments
2896
Shaafici Muxyidiin
Kooxda Kubada cagta ee Midnimo oo ka mida kooxaha ka qeyb galaya horyaalka 6-aad ee kooxaha heerka 3-aad ee dalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaatay in ay gaarto guushii ugu horeysay cayaar ay la yeelatyay kooxda CCD oo ka mida kooxaha tartanka ugu ad adag.


Cayaartu markii ay bilaabatay ayaa durbaba kooxda Midnimo waxaa ay lasoo if baxday dhaq dhaqaaq aan looga baran tan iyo intii tartanku bilowday waxaana la dareemi karayay in macalinka kooxdu uu sameeyay is badal weyn.

 

Ciyaarta oo bilow ah socotayna wax ka yar 5 daqiiqadood ayaa kooxda midnimo ay u suuraga shay in ay hesho goolkii ugu horeeyay, iyadoo kadibna weerarka iyo weerar celiska cayaartu sii laba kacleeyay.

 

Laakin inkastoo CCD ay isku dayday in ay goolka iskasoo gudo ayaa waxaa cayaartoyda kooxda midnimo suuragal u noqotay in ay u labeeyaan iyadoo wali aanay qeybtii hore ee cayaartu dhamaanin.

 

Si kastaba ha ahaatee  markii qeybtiihore ee cayaarta lagu kala nastay 2 iyo waxba oo ay Midinimo ku hogaamineysay ayaa waxaa maamulka kooxda CCD uu soo canaantay ciyaartoyda oo markii qeybta dambe la iskusoo laabtay muujiyay dar dar xoog leh.

 

Si kastaba ha ahaatee daqiiqadihii 86-aad iyo 89-aad ayaa cayaartyda kooxda CCD waxaa ay heleen laba gool oo isku xig xigay, iyadoo kadibna koox waliba ay difaac ku aruurtay, waxaana cayaartu ay ku soo idlaatay 90-kii daqiiqadood ee loogu talagalay 2-2.

 

Kooxda Midnimo oo tan iyo intii tartanku bilowday aan helin wax dhibic ah ayaa hada leh hal dhibic , waxaana maanta gellinka dambe is arki doona kooxaha Bariga dhexe oo wadata 3 dhibcood iyo Gasco oo leh hal dhibic oo keliya.

 

Somali Football Media Department

+25250 930226   Office Telephone

+2526 99 969815   Cell phone

+2521 600601        Fax

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment