jamhuuriyo, CCD, Qodxaaley & Geeska Afrika midee hanan doonta koobka horyaalka 6-aad?

Saturday November 13, 2010 - 06:09:43
0 Comments
3305
Shaafici Muxyidiin
Iyadoo horyaalka 6-aad ee kooxaha heerka 3-aad uu sixiiso leg uga soconayo garoonka dugsiga sare ee booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa 4-ta kooxood ee tartanka ugu cad cad ay bilaabheen in ay isugu goodiyaan mid wlaiba in ay koobka qaadi doonto.


Guddoomiye yaasha 4-tan kooxood ayaa bilaabay in ay wareysi siiyaan warbaahinta iyadoo mid waliba uu sheegayo in uu si fudud koobka ku hanan doono.

 

Sidoo kale cayaartoyda kooxahan aan kor kusoo xusnay ayaa xaafadaha dhex dooda xiliyada ay isku arkaan isu goodinaya, inkastoo cayaartu ay tahay cad iyo madow oo aan la ogeyn cida ay suuragal guushu u noqon doonto.

 

Laba habeen ka hor ayay ahayd markii hal idaacad ay ka wada hadleen gudoomiyaha  kooxaha Jamhuuriyo Maxamed Xaaji cabdulle (Taako) iyo guoddoomiyaha kooxda CCD Bashiir Salaad Barre (Badhiir Dheere) oo mid waliba uu sheegtay in koobka aanay cidi ka xigin.

 

Afartan kooxood marka laga reebo kooxda Qodxaaley inta kale waxaa ay mid waliba cayaartay 4 cayaarood halka kooxda Qodxaaley ay 3 cayaarood oo kaliya dheeshay waxaana dadka arrimaha kubada Cagra indha indheeyaahi ay sheegayaan in sababtaasi awgeed kooxda Qodxaaley ay hal fursad dheertahay kooxaha kale oo ay wada loolamayaan inkastoo aan la ogeyn sida xiliyada soo socda ay wax noqon doonaan.

 

Koox waliba mageceeda iyo dhibcaha ay wadato waxaa ay ku dul qoran yihiin sawirkeeda hoose.



 

Somali Football Media Department

+25250 930226   Office Telephone

+2526 99 969815   Cell phone

+2521 600601        Fax

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment