Horyaalka 6-aad ee kooxaha Heerka 3-aad oo Muqdisho ka furmay.

Monday November 01, 2010 - 12:48:14
0 Comments
3302
Shaafici Muxyidiin
Horyaalka 6-aad ee kubada cagta kooxaha heerka 3-aad ee dalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah uga furmay garoonka dugsiga sare ee booliska Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho.


Tartankan oo ay ka qeyb qadanayaan 9 kooxood oo heerka 3-aad ah ayaa waxaa cayaartii ugu horeysay ay dhex martay kooxaha Gasco iyo Geeska Afrika oo inkastoo Gasco goolka ku hormartay hadana ay cayaartu ku dhamaatay is mari waa 2-2 ah.


Guddoomiye ku xigeenka xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cabdulaahi Abow Xuseen oo cayaartoyda labada kooxood la hadlay ka hor intii aanay cayaartu bilaaban ayaa kula dar daarmay in ay muujiyaan cayaar wanaag si saaxiibtinimo ahna u cayaaraan.

 

Tartankan ayaa waxaa uu kaga duwan yahay horyaaladii hore iyadoo cayaartoyda mataleysa kooxaha tartanka ka qeyb galaya ay kala yihiin kuwo ka socda iskuulada iyo kuwo lagu dhaqan celiyay barnaamijyo xiriirku horay u qabtay

 

Xoghayaha guud ee Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Cabdi Qani Saciid Carab oo war saxaafadeed soo saaray markii tartanku furmay kadib ayaa sheegay in muhiimada tartankan laga leeyahay ay tahay in lasoo saaro cayaartoy da’ yar oo mustaqbalka Soomaaliya ku matala cayaaraha caalamiga ah.

 

“Dhalinyaro da’doodu tahay 15 ilaa iyo 16 jir ayaa tartankan ka qeyb qaadanaya waxaana tani ay qeb ka tahay barnaamijyo gaar ah oo aanu ugu talagalnay in aan kusoo saarno dhallinyaro ku xirfadeysan kubada cagta oo magaca Soomaaliyana matali kara mustaqbalka”ayuu war saxaafadeed uu soo saray ku yiri xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Cabdi Qani Saciid Carab.

 

“Maadaama dhalinyaradan hada la baray kubada cagta laganasoo leexiyay dhaqan xumadii ay ku jireen sida isticmaalka daroogada iyo dagaalada waxaa uu xiriirku hada qorsheynayaa in uu hey’adaha wax barashada kala hadlo sidii iyaguna fursado wax barasho ay dhalinyaradan usiin lahaayeen” ayuu xoghayaha guud ku yiri war saxaafadeedkiisa.

 

Waxaa xusid mudan in dhalinyarada tartanka ka qeyb galayesa ay sidoo kale ku jiraan kuwa kabaha nadiifiya ee caseeyeyaasha loo yaqaano iyo kuwo la skareeyay oo dagaalada loo adegsan jiray, kuwaas oo ka faa’iideystay barnaamijka “Qoriga dhig kubada qaad” ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu uu bilaabay 3 sanadood ka hor.

 

 Somali Football Media Department

+25250 930226   Office Telephone

+2526 99 969815   Cell phone

+2521 600601        Fax

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment