Elman oo ku guuleysatay tarankii dib usoo nooleynta nabada

Monday October 25, 2010 - 10:52:15
0 Comments
2378
Shaafici Muxyidiin
Naadiga kubada cagta ee Elman ayaa maanta ku guuleystay tartankii dib usoo nooleynta nabada Soomaaliya oo todobaadyadii lasoo dhaafay ka soconayay garoonka dugsiga Tababarka Booliska ee magaalada Muqdisho.


Cayaarta oo ahyad mid aad u adag ayaa waxaa usoo daawasho tagay dad weyne aad u farabadan oo kala taageerayay labada kooxood, waxaana la arkayay tageerayaal mikrofono wata oo gaaf wareegaya daafaha garoonka.

 

Cayarta ayaa 90-kii daqiiqadood ee loogu tala galay kusoo idlaatay bar bar dhac 1-1 ah, waxaana kadib la dhigay rigooreyaal iyadoo guushuna ay ku raacday naadiga Elman 1-0. Naadiyada Elman iyo Heegan ayaa ah labada naadi ee ugu awooda badan dalka Soomaaliya.

 

Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Siciid Maxamuud Nuur ayaa ka hor intii aanay cayaartu bilaaban waxaa uu la hadlay cayaartoyda labada koxood waxaana uu u sheegay in ay asluub wanaag muujiyaan inta cayartu socoto.

 

“Waxa aad cayaareysaan waa kubad cag, waxaana  idinku boorinayaa in aad soo bandhightaan cayaar wanaag”ayuu guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Siciid Maxamuud Nuur u sheegay cayaartoyda labada kooxood.

 

Tartankan oo soo bilowday 6-dii October ayaa waxaa ka qeyb galay 17 kooxood, waxaana u jeedadiisu ahayd in lagu dhiiri geliyo nabada iyo is dhexgalka bulshada.

 

Agaasimaha guud ee wasaarada dhalinyarada iyo Isboortiga Saacid maxamed Abuukar ayaa markii cayaartu dhamaatay kadib waxaa uu isla goobta koobkii ku guddoonsiiyay kabtanka naadiga Elman Yaasuiin Cali Cigaal, waxaana uu ugu hambalyeeyay guusha ay  ka gaareen tartankii dib usoo nooleynta nabada dalka.

 

Dhanka kale Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa soo saaray jadwalka horyaalka 6-aad ee kooxaha heerka 3-aad oo si rasmi ah magaalada Muqdisho uga furmi doona todobaadka dambe.

 

Sida jadwalka ku cad waxaa cayaarta ugu horeysa ay dhex mari doontaa naadiyada kala ah Geeska Afrika iyo Gacso.

 

Somali Football Media Department

+25250 930226   Office

+252699 969815 Cell

+2521 600601   Fax

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment