Xulka qaranka 20 jirrada ka yar oo u amba baxay Eritrea

Wednesday August 11, 2010 - 07:10:20
0 Comments
2515
Shaafici Muxyidiin
Kooxda Qaranka kubada cagta dalka Soomaaliya ee ka yar 20-ka sano ayaa maanta u amba baxday dalka Eritrea oo ay kaga qeybgaleyso cayaaraha dalalka Bariga iyo Bartamaha Qaarada Afrika.


Maadaama Soomaaliya iyo Edritrea uusan ka dhexeyn xiriir xaga duulimaadka ah ayaa kooxda qaranku waxaa ay transit kusii ahaaneysaa magaalada
Nairobi oo ay ka baxayaan caawa saqda dhexe.

 

Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Siciid Maxamuud Nuur , ku xigeenka koobaad Cali Saciid Guuleed Rooble, xoghayaha guud Cabdi Qani Saciid Carab iyo masuuliyiin kale ayaa kooxda qaranka kusii sagootiyay Dhabaha diyaaradaha Aadan Cade ee magaalad Muqdisho.

 

Kooxda ayaa tababar joogto ah qaadaneysay 5-tii todobaad ee lasoo dhaafay, waxaana macalinka hogaaminaya Cawil Cusmaan Maxamed uu sheegay in uu rajo qabo.

 

Tartankan ayaa waxaa kasoo qeyb galaya 9 dal oo ay ka mid tahay Yemen oo sanadkan lagu marti qaaday in ay cayaaraha CECAFA ka qeybgasho, waxaana ka maqan dalal ay ka mid yihiin Itoobiya iyo Jabuuti oo Eritrea ay dagaalo dhex mareen.

 

Sida ku cad jadwalka tartanka ee CECAFA soo saartay Soomaaliya waxaa ay group-ka A kula jirtaa dalalka kala ah: Sudan, Kenya, Eritrea iyoZanzibar.

 

Soomaaliya waxaa ay ay cayaarta ugusoo horeysa la yeelaneysaa dalka Sudan Maalinta Axada ah ee inasoo aadan oo bishuna ay tahay 15.

“Waxaan jecelnahay in aan u xaqiijino wadamada xubnaha ka ah CECAFA in Xiriirka kubada cagta dalka Eritrea iyo dowladuba ay si weyn uga shaqeynayaan in ay xaqiijiyaan tartanku si guul ah in uu ku dhamaado”ayuu war saxaafadeed ku shegay xoghayaha guud ee xiriirka kubada cagt dalalka bariga iyo bartamaha Afrika Nicholas Musonye.

Waxaa uu sheegay in tartanka ay ku bexeyso lacag dhan hal milyan oo doolarka Mareykanka ah iyadoo 18-kun oo doolar abaal marin loosiin doono dalalka gala ilaa iyo kaalinta 3-aad lacagtaas oo loo kala heli doono sida soo socota.:

 

·        kalinta 1-aad: US$ 10,000

·        kaalinta 2-aad: US$   5,000

·        Kaalinta 3-aad: US$   3,000

Tartanku waxaa uu ka  soconayaa Asmara, Eritrea 14-ka ilaa iyo 28-ka Bishan August 2010-ka.

Somali Football Media Department

+25250 930226 Telephone office

+2521 600 601   Fax

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment