FIFA oo magacawday garsooraha qabanaya cayaarta final-ka koobka aduunka

Saturday July 10, 2010 - 14:29:17
0 Comments
2630
Shaafici Muxyidiin
Ururka kubada cagta aduunka ee FIFA ayaa garsooraha u dhashay dalka Ingiririska ee la yiraahdo Howard Webb u magacaabay in uu garsooro cayaarta kama damebeysta ah ee koobka aduunka oo Axada dhexmari doonta xulalka Netherlands iyo Spain.


Cayaarta ayaa ka dhici doonta garoonka weyn ee la yiraahdo Soccer City Stadium ee ku yaala magaalada
Johannesburg.

Garsoore webb ayaa waxaa kaaliye yaal u noqon doona saaxiibadiisa kala ah Darren Cann iyo Michael Mullarkey.

Ka hor inta aan la gaarin cayarta kama dambeysta ah ayaa garsooraha u dhashay dalka Mexico ee la yiraahdo Benito Archundia waxaa uu dhex dhexaadin doonaa cayaarta loogu tartamayo kaalinta sadexaad ee tartanka koobka aduunka oo maanta oo sabti ah dhex mari doonta xulalka Germany iyo Ururguay taas oo ka dhici doonta garoonka Nelson Mandela Bay Stadium ee ku yaala magaalada n Port Elizabeth.

Vergani Hector oo u dhashay dalka Canda iyo Torrent Marvin oo isna u dhashay dalka Mexico ayaa kaaliye yaal ka noqon doona cayaarta galabta loogu tartamayo kaalinta 3-aad ee koobka aduunka.

Somali Football Media Department

+2525 930226 Telephone

+2521 600601   fax

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment