Dad daawanayay koobka aduunka oo qarax lagu dilay

Thursday July 08, 2010 - 22:06:48
0 Comments
2691
Shaafici Muxyidiin
Labo ka mida daawadayaasha koobka aduunka ayaa xalay lagu duilay weerar bambaano gacanta laga tuuray loo adeegsaday oo ka dhacay deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka koofureed ee Muqdisho.


Dadka deegaanka ayaa sheegay in dhalinyaro daawaneysay cayaar adag oo u dhexeysay xulalka Jarmalka iyo
Spain lagu tuuray bambaano gurigii ay ku sugnayeen taas oo dhalisay dhimashada 2 ruux iyo dhaawaca 3 kale ugu yaraantii.

 

“Wiil dhalinyaro ah ayaa isla goobta ku dhintay mid kalana isbitaalka ayuu saacado kadib ku geeriyooday xalay”sidaasai waxaa yiri  Cabdalla Aweys oo qudhjiisu ka mid ahaa dadkii goobtaa cayaarta ku daawanayay.

 

“Waxaan ka mid ahaa dhalinayradii cayaarta daawaneysay markii qauruxu dhacayay, qof kasta hortiisa ayuu u cararay, Mahad Alle ayaa leh oo I bad baadiyay”ayuu hadalkiisa sii daba dhigay Cabdalle.

 

Ilaa iyo iminka ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarkan taageerayaasha koobka aduunka lagu qaaday xalay.

 

Dilkan xalay dhacay ayaa tirada daawadayaasha koobka aduunka ee tan iyo bishii lasoo dhaafay lagu dilay soomaaliya ka dhigaya ilaa iyo 5 ruux halka dadka la xirayna ay ka badanyihiin 50 sida wakaaladaha wararka aduunku ay qoreen.

 

Ka hor intii aanu koobka aduunku bilaaban ayaa islaamiyiinta Soomaaliya ay ka digeen daawashada cayaaraha oo ay ku tilmaameen fal-sheydaan, laakin dadka Soomaaliyeed oo aad ujecel cayaarta kubada cagta ayaa wali sii wada in ay daawadaan wax kastaba ha ku qadatee.

 

Magaalada Muqdisho oo ay ka furnaayeen in ka daban 50 shineemo oo cayaaraha lagu daawan jiray ayaa waxaa hada ka furan hal oo keliya taas oo lagu magacaabo Shineemada Dhamuuke waxaana ay ku taalaa dhanka dowladu Muqdisho ka maamusho.

 

Shineemadan ayaa waxaa ay leedahay sida wararku sheegayaan ilaa iyo 20 nin oo hubeysan oo loogu tala galay in ay sugaan amaanka dadka cayaaraha halakaa ku daawanaya.

 
Somali Football Media Department

+2525 930226   Telephone

+2521 600601     Fax
Email: Somalifootballmedia@gmail.com

 



Leave a comment