Isku aadka koobka General Daa'uud oo lagu dhawaaqay

Thursday May 31, 2018 - 21:34:33
0 Comments
3174
Super Admin
Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta wuxuu shaaca ka qaaday isku aadka koobka General Daa'uud ee xili cayaareedka 2018-ka. Koobka General Daa'uud ee sanadkan wuxuu bilaaban doonaa 4-ta bisha October, waxaana cayaarta ugu horeysa naadiga Jeenyo uu ka hor tagi doonaa naadiga ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ee Horseed.


Sida ku cad jadwalka, waxaa dhamaan cayaaruhu ay dhacayaan galab kasta maalmaha Isniinta ilaa Jimcaha, waxaana maalin kasta laba cayaarood ay ka kala dhici doonaan garoomada Banaadir iyo garoonka xarunta farsamada ee xiriirka kubada cagta Soomaaliya.


Koobka General Daa’uud ayaa waxaa ka qeyb gala 16 naadi oo ka kooban 8-da naadi ee ugu sareeya horyaalka SPL iyo 8-da naadi ee ugu dhibcaha badan horyaalka Division 1. Koobka General Daa’uud oo ah tartan sanadle ah waxaa lagu xasuustaa aas aasihii ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed General Daa’uud Cabdulle Xersi oo ahaa General sumcad weyn lahaa dalka Soomaaliyana looga tix geliyo in uu ahaa aabaha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.



Aabihii ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed General Daa’uud Cabdulle Xersi wuxuu geeriyooday sanadku markuu ahaa 1965-kii, hase ahaatee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta wuxuu qabashada koobka General Daa’uud soo bilaabay sanadkii 1972-kii.


Tartankan waxaa taageera taliyaha xooga dalka Soomaaliyeed, waxaana guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta Cabdiqani Saciid Carab uu ku amaanay taliska ciidanka xooga dalka sida ay uga go’antahay sii waditaanka taageerada Koobka General Daa’uud.


Somali Football Federation Media Department

Email:info@somsoccer.com



Leave a comment