FIFA oo qalabeysay garsooreyaasha caalamiga ah ee Soomaaliya

Friday May 28, 2010 - 21:06:28
0 Comments
2488
Shaafici Muxyidiin
Ururka ugu sareeya ee maamula kubada cagta aduunka ee FIFA ayaa qalab garsoor oo dhameystiran ku deeqqy garsooreyaal iyo kaaliyeyaal garsoore oo caalami ah oo Soomaaliyeed,taas oo qeyb ka ah dadaalka FIFA ee ku aadan dhiiri gelinta iyo horumarinta kubada cagta Soomaaliya.


Munaasabada guddoonsiinta qalabkan ayaa ka dhacday hotelka saxafi ee magaalada Muqdisho Khamiistii ,waxaana garsoore kasta uu goobta kala tagay boorso buuxda oo qalab kala duwan ah iyo kabo qurux badan oo Addidas ah.

“Deeqdan qiimaha badan waxaa noo soo dhiibtay FIFA waxaana loogutala galay in loo qeybiyo garsooreyaal iyo kaaliyeyaal garsoore oo caalami ah, maantana waxay ilatahay in mid kasta oo idinka mid ah uu ku qanacsan yahay dharka quruxda badan ee la siiyay”sidaasi waxaa munaasabada guddoonsiinta qalabka ka sheegay xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane cabdi Qani Saciid Carab.

“FIFA mar kasta waxaa ay ka shaqeyneysay sare u qaadista dhaq dhaqaayada kubada cagta Soomaaliyeed, dhankasta oo aan baahi ka qabanyana way naga kaalmeysay,taasina sababteedu waxaa ay tahay shaqada wanaagsan oo aanu qabanay,maadaama hadii aanan shaqo adag qaban masuuliyadeenana u gudan sida sharcigu qabo aysan FIFA na kaalmeyseen”ayuu yiri xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada cagta Cabdi Qani Saciid Carab.

“FIFA way jeceshayay masuuliyiinta shaqooyinka loo xil saaray sida wanaagsan u guta”ayuu hadalkiisa sii daba dhigay xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mr Cabdi Qani Saciid Carab.

Bashiir Shire Xeydar Bootaan oo ku hadlayay codka garsooreyaasha caalamiga ah ee qalabka la siiyay ayaa sheegay in ay aad ugu galad hayaan FIFA oo uu sheegay in ay muujisay sida ay uga go’antahay in gacan siiso xiriirka soomaaliyeed ee kubada cagta si loo horumariyo kubada cagta Soomaaliya.








Somali Football Media Department

+2521 600000 Telephone

+2521 600601 Fax

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment