Garsooreyaasha ku/cagta Soomaaliya oo tababar loo furay

Monday March 15, 2010 - 00:27:25
0 Comments
2098
Shaafici Muxyidiin
Iyadoo cayaarta kubada cagtu ay wali tahay tan loogu jecelyahay dalka Soomaaliya ayaa waxaa xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu uu hir geliyay tababarkii labaad oo qeyb ka ah barnaamijka loogu magac daray Win in Africa with Africa oo Soomaaliya ay ka hesho FIFA,tababarkaas oo sabtidii ka furmay dalka Jabuuti.

Munaasabadii furitaanka tababarkan ayaa waxaa joogay sarkaal sare oo ka socda xafiiska horumarinta FIFA ee magaalada Qaahira Caamir Muxeyb

Inta uu socdo tababarkan oo high level ah ayaa waxaa macalin ka socda FIFA oo lagu magacaaboJoseph Wellington oo u dhashay dalka Ghana uu garsooreyaasha Soomaliyeed siin doonaa casharo ku aadan wax ka opgaashaha qawaaniintii ugu dambeysay ee kusoo kordhay garsoorka kubada cagta aduunka,sida uu munaasabada furitaanka ka sheegay xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubad acagta Cabdi Qani Saciid Carab.

Khudbadii uu k a jeediyay furitaankii tababarkan ayaa xoghaye Cabdi Qani waxaa uu ku sheegay in FIFA ay tixgelin gaar ahaaneed siisay Soomaaliya maadaama tababarkan oo xiriirada loogu qabto dalalkooda Soomaaliya loogu qabanayo dalka dibadiisa, iyadoo sababtuna ay tahay ka go’naashaha ay FIFA ka go’antahay in ay horumariso kubada cagta dalka Soomaaliya xitaa iyadoo dalka aanay nabadi ka jirin.

“iyadoo aan loo eegeynin xaaladaha adag ee Soomaaliya ku sugantahay, wali kama aanan niyad jebin in aanu horay u suocono,maantana waxaanu halkan ku heynaa garsooreyaal gabdho ah,iyadoo taariikhda kubada cagta Soomaaliya aanay horay u dhicin gabdho in loo diro tababarkan oo kale oo heer caalami ah”ayuu yiri  xoghayaha guud ee kubada cagta Soomaaliya.

Tababarkan heerka caalami ah ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee ceynkiisa ah oo loo qabto Soomaaliya oo tiro intaa la eg ay dalka dibadiisa kaga qeyb galaan,waxaana la filayaa in uu keeno is badal weyn marka loo eego sare u qaadida aqoonta garsooreyaasha Soomaaliyeed oo ka shaqeynaya dal ay dhibaatooyin halakeeceen.

Guddoomiyaha xiriirka kubada cagta dalka aanu walaalaha nahay ee Jabuuti xuseen faduul Dabar oo lagu sharfay in furitaanka tababarkan uu ka hadlo ayaa sheegay in FIFA ay gacan siiso oo keliya cidii wanaagsan ee horay u socota, koorsooyinka la siinayo Soomaaliyana ay muujinayaan sida ay masuuliyiinta xiriirka Soomaaliyeed horay wanaag ugu sameysteen.

“Dad badan oo aduunka ku nool waxay la tahay in Soomaaliya ay dib dhacday ,laakin taasi waa malo aad u khaldan,sababtoo ah anigu waxaan ka mid ahay dadka sida aadka ah ula socda Soomaaliya,waxaana oran karnaa Soomaaliya dhaqaaq weyn ayay sameysay marka loo eego sare u qaadida kubada cagta”ayuu yiri guddoomiye xsuseen Faduul.

Dr. shenoui Ahmed oo ka socday xafiiska horumarinta garsoorka ee FIFA aya adhankiisa ku amaanay xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta in uu sameeyay wax kasta oo uu kari karay,kuna dadaalay in kubada cagta Soomaaliya ay sii jirto,xili dalka ay naafeeyeen dagaaladii  ugu qaraaraa ee Afrika soo maray 20-kii sanadood ee lasoo dhaafay.

Waxaa uu amaan balaaran ujeediyay xiriirka kubada cagta Soomaaliya oo uu sheegay in uu sameeyay wax kasta oo macquul ahaa,halka xiriirkiisa Jabuutina uu ku amaanay gacanta walaanimo ee uu siinayo xiriirak mataanka la ah ee Soomaaliyeed,iyadoo labada dal ay wadaagaan,dhaqanka,midabka,luqada iyo diinta intaba.

Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed Siciid Maxamuud Nuur ayaa hadalkiisa ku bilaabay in uu si weyn ugu galad hayo bahweynta kubada cagta aduunka ee uu hogaamiyo Blatter oo uu sheegay in uu qaaday talaab kasta oo lagu suuragelinayo in kubada cagta Soomaaliya ay horay u kacdo dalkan gudihiisa oo ay adagtahay in sahqooyinkan oo kale lagu qabto.

“marka aanu dib u raadraacno taariikhda kubada cagta aduunka waligeed ma aanay dhicjnh in koobka Aduunka lagu qabto Afrika iyo Asia taasna waxaa suurageliyay Blatter”ayuu yiri guddoomiyaha Soomaaliya Siciid Mugaabe.

“Dhibaato kasta oo aanu la kulano,waxaa naga go’an in aan shaqeyno inta aanu noolnahay”ayuu hadalkiisa sii daba dhigay guddoomiye Siciid oo mahad celin gaar ahaaneedna udiray madaxa xafiiska horumarinta FIFA ee magaalada Qaahira Dr. Taha Ismail, shaqaalaha xafiiskaas iyo,dalka aanu walaalaha nahay ee Jabuuti,xiriirkiisa kubada cagta iyo sahcabkaba.

Ugu dambeyntii la taliyaha wasiirka isboortiga Jabuuti ahna xoghayaha gudiga Olombikada Jabuuti Dr.Saciid Cali Xuseen oo tababarka furay aya asheegay in Jabuuti ay tahay Soomaaliyadii labaad xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtuna uu wax kasta oo uu doono ku qabsan karo shuruurd la’aan sidii Muqdisho oo kale.



Leave a comment