W/Isboortiga oo booqday xulka 17 jirrada qaranka

Tuesday August 04, 2009 - 17:24:52
0 Comments
3608
Shaafici Muxyidiin
Wasiirka dhalinyarada iyo Isboortiga dowladda federalka Soomaaliya Suleymaan Colaad Rooble ayaa saaka waabarigii booqasho dhiiri gelin ah ugu tagay xulka qaranka ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sanadood oo haatan ku tababar qaadanaya dugsiga sare ee booliska kadib markii ay kasoo qexeen goobtoodii hore.


cayaartoyda qaranka ayaa dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay u diyaar garoobayay tartanka CECAFA U-17 oo dalka
Sudan ka furmi doona 19-ka bishan, waxaana ay haatan ku jiraan maalmihii ugu dambeeyay ee diyaar garowgooda.

 

Gudoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed Siciid Maxamuud Nuur iyo Cali Saciid Guuleed ayaa ugu horeyn wasiirka kusoo dhaweeyay la kulanka xulka siiyayna warbixin ku aadan wax qabadka xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta, waxaana ay kadib kusoo dhaweeyeen tababaraha xulka qaranka maxamed Cabdule Farayare oo wasiirka u gudbiyay warbixin faafaahsan oo ku aadan diyaar garowga kooxda iyo rajadiisa ku aadan in ay guul keenaan.

 

“Mudane wasiiir waxaan halkan ku hayaa kooxda qaranka oo ka kooban 23 cayaartoy, waxaana kuu sheegayaa in xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu uu sameynayo wax kasta oo karaankiisa ah,booqashadaaduna waxaa ay nasiineysaa niyad dhis weyn”ayuu tababaraha xulka qaranku u sheegay wasiirka.

 

Intaa kadib wasiirka ayaa hadalkii qaatay waxaana uu sheegay in wixii maanta uu arkay aanay ahayn wax uu filayay,isagoo yiri” ilama ahayn in xilligan adag sidan howl u balaaran la qabankaro”.

 

“Waan ogsoonahay in wax kasta oo aad u baahnaydeen aadan heli Karin, laakin wax qabad weyn ayaan arkaa waxaana idin sheegayaa in ku dhex jirka dhibaatdan adag ay idinka dhigeyso kuwo ka ad adeyg badan dhigooda”ayuu wasiirku u sheegay xulka qaranka.

 

“Waxaan amaan balaaran u jeedinayaa xiriirka kubada cagta sababtoo ah waxaan maanta arkaa wax filan waa ah talaabo horumar leh ayaana la qaaday”ayuu wasiirku yiri isagoo dhalinyaradana ku dhiiri geliyay in ay dadaalkooda sii wadaan maalin maalmaha ka mid ahna ay gaari doonaan hamigooda.

 

Wasiirka ayaa sidoo kale waxaa uu la kulmay maamulka iyo cayaartodya naadiga Heegan gaar ahaan kooxda kubada cagta waxaana la kuanka kooxda kusoo dhaweeyay guddoomiyaha naadiga Heegan Col cali Shiine oo wasiirka hortiisa ka qiray in xiriirka kubada cagtu uu ku amaan mudan yahay wax qabadkiisa taariikhduna ay xusi doonto.

 

“War xuma tashiil ayaa jira laakin cidii wadaninimo ku jirto jecelna isboortigu dhabtii way ogtahay waxa uu xiriirku qabanayo iyadoo xilligan adag lagu jiro”ayuu guddoomiyaha naadiga Heegan ka hor sheegay wasiirka.

 

Wasiirka oo halkaa ka hadlay ayaa isna sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu noqdo wasiirkii ugu horeeyay ee la kulma naadiga Heegan kooxdiisa kubada cagta oo dhawaan dib loo habeeyay ,iyadoo cayaartoyuna ay hadalkaas kusoo dhaweeyeen farxad iyo sacab.

 

Ugu dambeyntii ayaa madaxda xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu waxaa ay wasiirka soo tusiyeen halka ay ku tababar qaadnayaan caruur Soomaaliyeed oo dad’doodu u dhexyso 8 ilaa iyo 13 sanadood oo lagu bar baarinayo cayaarta kubada cagta si ay mustaqbalka calanka Soomaaliya u difaacaan.

 

Booqashada wasiirka ayaa kusoo beegmeysa iyadoo maalintii Axadii guddoomiye ku xigeenka GOS ee xiriirka caalamiga ah Duran Axmed Faarax uu la kulmay dhiiri gelina usoo sameeyay cayartodya xulka qaranka.

 

 

Somali football Media Department

 

Email: somalifootballmedia@gmail.com

 

+2525-0-969815 Cell

+2525 936226   office

 

a



Leave a comment