Guddiga k/cagta ee G/Bari oo dalbaday in gacan lagu siiyo dib u dhiska garoonka k/cagta

Monday February 16, 2009 - 20:09:22
0 Comments
2595
Shaafici Muxyidiin
Guddiga maamulka kubada cagta ee gobalka waqooyi bari ee ismaamul gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa shaaca ka qaaday in garoonka kubada cagta magaalada Boosaaso uu aad u bur buray uuna u baahanyahay dib u dhis weyn,waxaana uu guddigu ka dalbaday ganacsatada magaaladu in ay gacan ka geystaan dib u dayac tirka garoonka.

 
“Magaaladu waxaa ay leedahay halgaroon oo keliya oo aanan helin wax dayac tir ah muddo 18 sanadood ah oo degenaasho la’aani ay ka jirtay Soomaaliya sidaa daraadeed waxaanu ugu baaqaynaa ganacsatadu in ay nagu gacan siiyaan dib in aanu garoonka u dhisno” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka gudiga kubada cagta gobalka oo maanta saxaafada kula hadlayay magaalada Boosaaso.

 “Waxaanu jecelnahay in codsigeena aanu u gudbino shirkadaha ganacsi ee waaweyn ee magaalada si ay contribution uga geystaan dib u dhiska garoonka si aanu dib ugu bilowno cayaarihii kubada cagta oo lagu dhiiri gelinayo dhalinyaradu in aanay ku lug yeelan adeegsiga waxyaabaha xun xun sida muqaadaraadka oo kale”ayuu hadalkiisa sii daba dhigay Mr. Abdi Artan.

Waxaa uu guddoomiye ku xigeenku sheegay in ay maamulkiisa qorshaha ugu jirto in uu dib ubilaabo cayaaro kubada cagta ah oo ay ku tartamayaan daganayaasha magaalada Boosaaso si ay magaaladu dib ugu hanato sumcadii ay bari ku dhex lahaan jirtay tarmamada gobalada dalka Soomaaliya.

 

Somali football press department

Contact: somalifootballmedia@gmail.com

Cell phone +25250 969815

Office: + 2521 220176



Leave a comment