Ra’isul wasaaraha Soomaaliya oo madax ka tirsan xiriirka kubada cagta kula kulmay dalka Jabuuti.

Wednesday December 24, 2008 - 08:42:11
0 Comments
2104
Shaafici Muxyidiin
Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen Cadde ayaa Hotelka Kempniski ee magaalada Djibouti waxaa xalay uu kulan kula qaatay guddoomie ku xigeenka xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Axmed Nuur Xasan Cadbulle iyo xoghayaha guud ee Xiriirka Cadbi Qani Saciid Carab waxaana kulankaas looga wada hadlay arrimo badan oo quseeya horumarinta kubada cagta ee dalka Soomaaliya.


Ra’isul wasaare Nuur Cadde ayaa uga mahadceliyay madaxda xiriirka kubada cagta howsha weyn ee ay u hayaan qaranka Soomaaliyeed,wuxuuna si gaar ah u xusay in xiligan adag ay kooxda qaranku ka qeyb galeyso tartanka kubada cagta ee qaramada dalalka bariga iyo bartamaha Afrika taas oo uu ku tilmaamay guul lagu faani karo oo uu xiriirku usoo hooyay qaranka Soomaaliyeed.

 

“Waa muujin karti iyo dadnimo dheeraada in maanta uu xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu wax la qeybsanayo xiriirada dhigiisa ah xili dalku uu ku jiro marxaladan adag”ayuu ra’isul wasaaruhu ka sheegay kulankii uu xalay Hotelka Kempniski kula yeeshay madax ka tirsan xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta.

 

Ra’isul wasaaruhu wuxuu xulka qaranka u rajeeyay guul in ay kala soo laabtaan tartanka xulalka dalalka bariga iyo bartamaha Afrika oo 31-ka bishan ka bilaaban doona dalka Uganda,isagoo si gaar ah ugu mahad celiyay dowladda Jabuuti oo dalkeeda ay xulka qaranku mudo 3 bilood ah ku tababar qadanayeen.

 

Ugu dambeyntii ayaa ra’isul wasaaraha Soomaaliya waxaa uu balan qaaday in uu gacan weyn siin doono Isboortiga Soomaaliyeed oo uu sheegay in wax badan ay qabteen  muddo  18 sanadood ah oo uu dalku dowlad la’aan ahaa.

 

 


Somali Football press Department

 

Contact: Somalifootbalmedia@gmail.com



Leave a comment