Cayaartii Soomaaliya iyo Eritrea oo aan dhacayn usbuucan.

Thursday February 14, 2019 - 19:08:38
22 Comments
2435
Super Admin
Cayaar saaxiibtinimo oo lau waday in todobaadkan ay magaalada Muqdisho ku dhex marto xulalka da'doodu ka yartahay 20-ka sano ee Soomaaliya iyo Eritrea ayaa muddo kooban dib loo dhigay, sida lagu sheegay war saxaafadeed kasoo baxay xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Cagta.


"Cayaarta waxaa horay loogu qorsheeyay in ay ka dhacdo garoonka FIFA dib u dhiska kus ameysay ee Stadium Banaadir 16-17-ka bishan febraayo, laakin waxaan hada xaqiijinayaa in cayaartaas sida weyn loo sugaayay dib loo dhigay muddo aan badneyn”sidaasi waxaa war saxaafdeed uu soo saaray ku sheegay agaasimaha xafiiska warfaafinta xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya Shaafici Muxuyadiin.

"Waxaan ka war sugeynaa xiriirka kubbadda cagta Eritrea si ay noogusoo gudbiyaan taariikhda kale oo wafdigoodu magaalada muqdisho imaanayo”ayaa lagu yiri war saxaafadeedka kasoo baxay maanta xiriirka kubbadda Cagta Soomaaliya oo uu ku saxiixnaa agaasimaha warfaafinta Shaafici Muxuyadiin.



"Guddoomiyaha xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya iyio dhigiisa Eritrea labadaba way ka go’antahay in cayaartaasi ka qabsoonto magaalada Muqdisho, waxaa socda diyaar garowgii ugu dambeeyay, dhawaana waxaan shaacin doonaa xiliga kama dambeysta ah ee cayaartu dhici doonto”sidaasi waxaa mar kale yiri agaasimaha warfaafinta xiriirka Soomaaliyeed Shaafici Islaw.

Waxaa ay ahayd 2016-kii markii xiriirka Kubbadda cagta Soomaaliya madaxdiisu ay sheegeen in ay doonayaan in mar kale ay Soomaaliya u furaan marti gelinta cayaaraha caalamiga ah, waxaana hada masuuliyiinta xiriirka Soomaaliyeed ay aaminsan yihiin in la gaaray waqtigii Soomaaliya ay cayareheeda dalka gudihiisa ku qabsan lahayd.

"Eritrea waxaa la filayaa in ay noqoto dalka ugu horeeya ee Soomaaliya soo gaara tan iyo 1988-kii laakin waxaa qorshaha xiriirka Soomaaliyeed ku jirta in markaa kaddib casuumado loo fidiyo wadamo kale oo ku yaala qaaradda Africa, sida lagu xusay war saxaafadeedka maanta kasoo baxay xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya.

Somali Football Federation Media Department

Email:info@somsoccer.com

Leave a comment