Xaflad lagu maamuusayay furitaanka cayaaraha kubada cagta gobalada Puntland oo saaka ka dhacday Garowe.

Thursday November 20, 2008 - 13:48:38
0 Comments
3708
Shaafici Muxyidiin
Saaka ayaa magaalada garowe ee xarunta maamul gobaleedka Puntland waxaa ka dhacday munaasabad balaaran oo lagu maamuusayay furitaanka tartanka 18-aad ee kubada cagta gobalada Soomaaliya is reeb reebkiisa 1-aad ee gobalada Puntland.

Munaasabada furitaanka ayaa waxaa ka soo qeybgalay madaxda xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta, maamulka ka tirsan iyo wakiilo ka socday xiriirada kubada cagta ee gobalada hoos taga maamulka Puntland MUDUG, NUGAAL, BARI, SANAAG IYO SOOL,waxaana xafladan looga hadalay qaabka furitaanka cayaaraha iyo sida loo maamulayo inta ay soconayaan,sugida amaanka,ilaalinta nidaamka iyo habsami usocodka cayaaraha iyo arrimo kale oo muhiim  u ah socodsiinta cayaarahan.

 

Xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta cabdi qani Saciid carab oo munaasabadaas ka hadlay ayaa ugu horeyn u mahad celiyay shirkadda isgaarsiinta casirga ah ee Nationlink Telecom oo gacanta ugu weyn ka geysaneysa tartanka cayaaraha kubada cagta ee gobalada dalka Soomaaliya.

Xoghayuhu waxaa kaloo uu u mahadceliyay maamulka Puntland oo ka gacansiinaya xiriirka arrimaha amaanka inta ay cayaarahani socdaan,waxaana uu sheegay in tani ay tahay mid ka mida guulaha taariikhiga ah ee uu ku talabsaday xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta oo xilligan adag qabanaya cayaaro gobalada dalka la isugu keenayo.

 

Dhinaca maamul gobleedka puntland waxaa munaasabada ka soo qeybgalay  duqa magaalada garoowe ABDULKADIR OSMAN SAMATAR Gudomiyaha gobolka nugaal ABDI HERSI ALI, la taliyaha wasiirka amniga CEYDARUUS XAAJI XERSI iyo masuuliyiin kale.


 

Waxaa sidoo kale jiray wakiilo ka socday Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dibadaha ku nool sida AHMED SAID GELE, hay,ada PDRC C/RAXMAAN C/DULE SHUUKE,iyadoo sidoo kalaana ay munaasabada joogeen haween caan ka ah gobalada Puntland jecelna horumarinta Isboortiga oo ay ka mid yihiin SHAMSA MAXAMED ISMAIL IYO XALIIMO CALI WARSAME.

 
xoghayaha guud ee xariirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu waxaa uu amaan iyo bogaadin ujeediyay Hey’ada PDRC oo ku deeqday hoolka ay munaasabadu ka dhacday saakay.

Munasabdadan ayaa kusoo gabagabowday si aad u heersareysa, waxaana dhamaan ka qeyb galayaashu ay amaaneen kaalinta geesinimada leh ee uu ku dhaqaaay xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta,iyagoona balan qaaday in ay xiriirka ku gacan siin doonaan gudashada  waajibaadka qaran ee uu dusha u ritay.

 

Waxaa sidoo kale munaasabada amaan looga jeediyay shirkadda Isgaariinta caalamiga ah ee Nation Link Telecom oo xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ku garab taagan hirgelinta cayaaraha gobalada dalka Soomaaliya.

 

Somali football press department

 

Contact:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment