Mustafa: Horyaalka Kubada Cagta Puntland natiijo wanaagsan ayuu dhalay

Saturday September 23, 2017 - 19:04:17
0 Comments
2246
Super Admin
Guddoomiyaha xiriirka kubada cagta Maamulka Soomaaliyeed ee Puntland Mustafa Cabdiraxmaan Xasan, ayaa sheegay in kubada cagta gobalkiisa uu ku yimid is badal weyn, ayna korortay tirada iyo tayada cayaartoyda kubada cagta ee Puntland.


Guddoomiye Mustafa oo wareysi siiyay shabakada wararka ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta somsoccer.com ayaa sheegay in horyaalka ay ka qeyb galeen 9 kooxood oo kubada cagta ah oo ka kala yimid afar ka mida magaalooyinka waaweyn ee Puntland, isagoo intaa ku daray in qabashada cayaarahaasi ay ahayd talaabo weyn oo horay loo qaaday.


"Cayaarahaasi kumanaan dhalinyaro ah ayay ka bad baadiyeen in ay noloshooda khatar ku geliyaan badaha, sababtoo ah halkii ay ka tahriibi lahaayeen ayay u jiheysteen dhanka kubada cagta. Wiilal badan oo dhalinyaro ahi waxay ka qeyb qaateen tartanka cayaartoy ahaan, halka kumanaan kale oo dhalinyaro ahna ay soo buux dhaafiyeen garoomada iyagoo kala taageerayay kooxaha tartanka ka qeyb galay”ayuu yiri guddoomiyaha xiriirka kubada cagta Puntland Mustafa Cabdiraxmaan Xasan oo wareysi siiyay somsoccer.com.



Waxaa uu gudoomiyuhu sheegay in qabashada cayaarahaasi ay wanaajisay muuqalka guud ahaan kubada cagta Soomaaliya gaar ahaana tan Puntland. "Run ahaantii cayaarahan waanu ka faa’iidnay, sababtoo ah waxaa kor u kacday tirada cayaartoyda tayada wanaagsan ee aanu heysano. Waxaanu iminka si weyn ugu diyaar garownay tartanka maamul gobaleedyada ee dhawaan la qaban doono, waxaana dooneynaa in aanu soo difaacano koobka oo iminka Puntland ay heysato”ayuu yiri Mustafa.


"Waxaanu ka faa’iideysanay tababarro uu xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu horay noogu qabtay, taas ayaana noo sahashay inaanu qabano tartan heerkiisu sareeyo, sababtoo ah marki aad heysato maamul aqoon leh, macalimiin aqoon leh iyo garsoor aqoon leh wax wanaagsan ayaad qaban kartaa”ayuu guddoomiye Mustafa hadalkiisa sii raaciyay.


Waxaa uu guddoomiyuhu sheegay in tartamada kubada cagta ee Puntland la balaarin doono. Inagoo kaashaneyna xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaanu qorsheyneynaa in aan abuurno horyaalka kooxaha heerka 2-aad si loo helo kooxo heerka 1-aad usoo gudba iyo kuwo heerka 2-aad loo celiyo marka horyaal kasta uu dhamaado. Arrintaasi waxay hir geli doontaa sanadka 2018 sida qorshaha noogu jirta”ayuu mar kale yiri guddoomiyaha xiriirka kubada cagta ee Puntland Mustafa Cabdiraxmaan Xasan.


Somali Football Federation Media Department

Email:info@somsoccer.com


 


Leave a comment