Xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane cabdi Qani Saciid Carab oo ka war bixiyay qaabka uu bari ku bilaabanayo tartanka gobalada Puntland.

Wednesday November 19, 2008 - 13:21:21
0 Comments
2098
Shaafici Muxyidiin
Xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cabgat Mudane cabdi Qani Saciid carab oo goor dhoweyto qadka teleefonka ugu warramay waaxda warfaafinta ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa shaaca ka qaaday in barri oo khamiis ah gellinka hore magaalada Garowe ay ka dhici doonto munaasabad heer sare ah oo lagu maamuusayo furitaanka cayaaraha gobalada Puntland ee Zone five regional football games.

Tartankan ayaa wxaa ka qeyb galaya 5 gobal oo hoos yimaada maamul gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland waxaana cayaarta ugu horeysa ay bari galab garoonka Mire Awaare ku dhex mari doontaa gobalada Sanaag iyo Nugaal oo marti loo yahay.

 

Tartankan ayaa waxaa uu qeyb ka yahay cayaaraha 18-aad ee kubada cagta gobalada dalka Soomaaliya oo uu xiriirku u qabanayo qaab zones ah maadaama ayan xiligan suuragal ahayn caasimada Sooamaliya in tartan lagu qabto kubada cagta ah.

 

Dhowr arrimood ayaa loo aaneeyay kuwaasi oo kala ah in marka hore xaalada amaan ee magaalada Muqdisho aanay ahayn mid la isku haleyn karo iyo tan labaad oo ah labadii garoon ee caalamiga ahaa ee magaalada Muqdisho ay ku faani jirtay oo midkood uu dayac tir ku socdo kan kalana ay dagan yihiin ciidamo Itoobiyaan ah.

 

Gobaladan waxaa sida qorshuhu yahay kasoo bix doona labo kuwaas oo tartanka kama dambeynta ah kala qeyb geli doona  hadba kuwa kasoo baxa zones-ka kale waxaana cayaaraha ugu dambeeya lagu qaban doonaa Magaalada Muqdisho hadii uu watigu saaxmo  hadii kalana waxaa uu xiriirku marti gelkinta ugu dambeysa siin doonaa gobalkii soo buuxiya shuruudaha looga baahan yahay marti geliyaha.

 

Waaxda war faafiunta ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta waxaa ay balan qaadeysa in ay si joogto ah aqristeyaasha somsoccer ugusoo gudbin doonto hadba wixii kasoo cusboonaada tartanka bari bilaaban doona Insha Allah.

 

Somali football press department



Leave a comment