Horumarka kubada cagta dalka oo farxad geliyay wasiirka Isboortiga

Saturday August 15, 2015 - 23:42:32
1 Comments
5413
Super Admin
Soomaaliya waxay kasoo gudubtaya qalalaasihii, waxaana jirta rajo aad u weyn oo dhanka horumarka ah, iyadoo kubada cagta dalka Soomaaliya ay hada si buuxda ugasoo kabsatay dhawaacyadii ka dhashay in ka badan 24 sano oo amaan darro iyo dagaalo ay dalka ka jireen.


Wasiirka dhalinyarada iyo Isboortiga dalka Mudane Maxamed cabdullaahi Xasan, ayaa amaan balaaran usoo jeediyay horumarka iyo mashaariicda la xiriira dhanka kubada cagta ee dalka ka soconaya.


"Muddooyinkii u dambeeyay waxaa jiray kobac weyn oo dhanka kubada cagta ah iyo harumar uu sameynayo xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta, waxaana fursadan uga faa’iieysanayaa in aan amaan usoo jeediyo masuuliyiinta xiriirka oo runtii aad u garanaya masuuliyadooda iyo FIFA gacanta ay ka geysaneyso horumarinta kubada cagta dalka”sidaasi waxaa yiri wasiirka dhalinyarada iyo Isboortiga dalka, Mudane Maxamed cabdullaahi Xasan.



Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay garoonka jaamacadaha oo dhisme uu ku socdo mar uu halkaa ku tagay kormeer howleed kaddib markii guddoomiyaha xiriirku uu ku casuumay wasiirka in uu garoonka soo indha indheeyo maalintii sabtidii.


"Waxaan rumeysanahay in xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu uu door aad u weyn ka cayaarayo hourmarinta kubada cagta dalka, Xiriirku wuxuu sameeyay wax kasta oo uu awoodi karay si uu u xaqiijiyo in Soomaaliya ay yeelato garoomo heerkoodu caalami yahay”ayuu yiri wasiirka oo garoonka jaamacadaha kula hadlay saxaafada.


"Kubada cagtu waa qeyb muhiim ah oo nolosha ka mid ah, sidaa waxaan u leeyahay sababtoo ah waxay isu keentaa qeybo badan oo nolosha aas aasi u ah, sida: kobcinta dhaqaalaha, isu keenida bulshada, horumarka iyo waliba dhismaha caafimaadka qofka”ayuu hadalkiisa sii daba dhigay Wasiirka dhalinyarada iyo Isboortiga dalka Mudane Maxamed cabdullaahi Xasan.


Waxaa uu wasiirku sheegay in garoomada noocan oo kale ahi ay gacan weyn ka geysanayaan soo saarista cayaartoy badan oo tayo leh iyo waliba kuwii hore oo ku tababar qaata, isagoo ka dhawaajiyay in talaabada garoomada lagu dhisayo ay horumar u tahay wasaarada iyo xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada Cagta intaba.


Dhankiisa guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada Cagta, Mudane Cabdiqani Saciid Carab oo ay wehlinayeen ku xigeenkiisa Mudane Cali Cabdi Maxamed iyo xoghayaha guud Mudane Xasan Maxamed Maxamuud, ayaa meesha ka sheegay in u jeedada ugu muhiimsan ee wasiirka loogu marti qaaday garoonka ay ahayd in uu soo kormeero howlaha baaxada leh ee halkaa ka soconaya, warbixin guudna laga siiyo mashaarciida horumarineed ee socda.


Guddoomiyaha ayaa wasiirka ka codsaday in uu xooga saaro sidii garoonka weyn ee Stadium Muqdisho looga saari lahaa ciidamada AMISOM, wuxuuna wasiirku balan qaaday in uu ka shaqeyn doono sidii garoonkaasi ugusoo laaban lahaa gacanta umada.


Intii booqashadu ay socotay ayaa wasiirka iyo madaxda xiriirku waxaa ay warbixino ka dhageysteen shirkadaha howsha garoonka gacanta ku haya ee kala ah TALOSAN iyo EMECO, kuwaas oo masuuliyiinta u sheegay in howshu soo dhamaatay 70% lana rajeynayo inta harsan in la dhameystiro ka hor dhamaadka sanadkan.


Garoonka jaamacadaha ayaa noqonaya garoonkii ugu horeeyay ee Soomaaliya laga dhiso oo leh kuraas, si la mida garoomada caalamka oo kale, waxaana tani ay qeyb ka tahay horumarka uu sameeyay xiriirka kubada Cagta Soomaaliya oo gacan ka helaya ururka kubada cagta aduunka ee FIFA.






Somali football Federation Media department

Email:info@somsoccer.com



Leave a comment