Saxafi Fc iyo Banaadir oo ismari waayay

Friday February 06, 2015 - 12:36:05
0 Comments
9797
Super Admin
Naadiyada sida weyn ugu dagaallamayo ku guuleysiga horyaalka heerka Koowaad ee Nationlink Championship Saxafi iyo Banaadir S.Club, ayaa galabta waxaa ay kuwada ciyaareen garoonka banaadir ee magaalada Muqdisho, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen kulan cayaareed aad u wanaagsan.


Kulankan oo ay u soo daawasho tageendadweyne aad u fara badan ayay labada Naadi kusoo bandhigeen ciyaar Farsamadeedu sareyso oo ay taageerayasha ka maqsuudeen.


Kulan ciyaareedkii xiisaha lahaa ayaa kusoo dhamaaday 0-0, waxaana labadanadi uu mid waliba lahoyaaday hal dhibic. 
Ugu dambeyn waxaa xusud mudan in galabta si weyn loo soo camiray garoonka, marka loo fiiriyo kulamadii horay loo ciyaaray.



Kulankan waxaa daawashadiisa kasoo qeyb galay masuuliyiin sar sare oo ay ka mid ahaayeen Madaxweynaha maamul gobaleedka Jubba Land Axmed Maxamed Islaam iyo safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamed Cali Nuur Ameeriko oo ah nin si aadah u jecel kubada cagta laguna xusuusto wax badan oo uu gacan qabtay xula qaranka Soomaaliya xilliyo ay safarro ku tageen dalka Kenya.

 


W
/ D: Cumar Ibraahim Cabdisalam (Cumar Yare)

Somali Football Federation Media department

Email:info@somsoccer.com



Leave a comment