Vital'O oo ku guuleysatay koobkii CECAFA.

Monday July 01, 2013 - 03:39:37
0 Comments
2721
Super Admin
Kooxda kubada cagta Vital'O ee kadhisan dalka Burundi ayaa si xarraga leh ugu guuleysatay tartanka kooxaha horyaalada wadamada bariga iyo Bartamaha Afrika oo muddo laba todobaad ah ka soconayay gobalada dagaaladu aafeeyeen ee North Darfur iyo South Gordofan ee dalka Sudan kaddib markii ay 2-0 ku dhufatay kooxda APR ee dalka Rwanda.


Cayaartan oo ahayd mid aad u adag ayaa waxaa xusid mudan in uu dhex dhexaadinayay garsoorayaha Soomaaliyeed ee caalamiga ah Xasan Wiish Yabarow, waxaana calan wadeyaal u ahaa Suleymaan Sheekh Bashiir oo isna Soomaali ah sanadkana ka mid noqday garsooreyaasha calamiga ah ee FIFA, iyo Mustaf Ibraahim oo Suudaani ah halka sarkaalka afaraadna uu ahaa Haashim Aadam oo isla Sudan u dhashay.

Garsooreyaasha Soomaaliyeed oo intii tartanku socday madaxda CECAFA ay aad u amaaneen ayay suuragal u noqotay in ay cayaarta kama dambeysta ahna qabtaan maadaama loo arkay kuwo ku haboon cayaar ceynkaa oo kale ah, waxaana tani ay ahayd mid horay loosii saadaalinayay.



Labada kooxood waxay mid waliba kusoo tala gashay in ay koobka la tagto waxaana taasi ay keentay in ay waxba iska dhalin wayaan qeybtii hore ee cayaarta oo kusoo idlaatay bar bar dhac 0-0 ah.

Laakin Kooxda Vital’O oo is badal sameysay qeybti labaad ayaa heshay goolkeeda ugu horeeyay daqiiqadii 63-aad ee cayaarta, waxaana u saxiixay cayaaryahanka u sitay numberka 9-aad Amissi Tambwe, halka goolkii labaadna ay heleen daqiiqadii 65-aad iyadoo uu u saxiixay Deo Ndayishimiye oo kooxda u xirta numberka 13-aad.

Labada gool ee deg dega ah kaddib cayaartoyda kooxda APR waxay sameeyeen isku day xoogan waxayna qaadeen dhowr weerar oo is daba joog ah laakin suuragal uma noqon in ay goolasha lagu yeeshay iskasoo gudaan, waxaana ugu dambeyntii 90-kii daqiiqadood ee cayaarta loogu talagalay ay kusoo idlaatay 2-0 ay guushu ku raacday Vital’O.

Muhiimada cayaarahan loo geeyay gobolada Darfur iyo Gordofan ayaa xoghayaha guud ee CECAFA Nicholas Musonye waxaa uu ku sheegay inay ahayd in lagu dhiiri geliyo nabada iyo is dhex galka bulshada isagoo mar kale ka dhawaajiyay in ay Soomaaliyana miiska u saaran tahay cayaaraha CECAFA in lagu marti geliyo si buu yiri nabada loo dhiiri geliyo, isagoo sheegay in ay wada hadalo arrintaa ku saabsan ay la leeyihiin xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta, lagana war dhowrayo marka xiriirka Soomaaliyeed uu soo xaqiijiyo in amaanka dalku yahay mid cayaaro lagu qaban karo oo saraakiisha CECAFA ay markaa kaddib qaab indha indheyn ah dalka u imaan doonaan,

Mr Nicholas Musonye ayaa loo arkaa in uu yahay nin nabada gobalka u ololeeya, waxaana doonistiisa ah in tartamo CECAFA ah lagu qabto dalka Soomaaliya si weyn usoo dhaweeyay shacabak Soomaaliyeed oo lagu tilmaamo in ka badan 95% in ay jecelyihiin cayaarta kubada cagta.



Leave a comment