Jadwalka Kagame cup oo wax laga badalay

Thursday June 13, 2013 - 20:33:20
0 Comments
2774
Super Admin
Xafiiska xoghayaha guud ee ururka kubada cagta bariga iyo Bartamaha Afrika ee CECAFA Mr. Nicholas Musonye ayaa is badal ku sameeyay jadwalkii tartanka Cecafa Kagame Club Cup oo horay loo soo saaray, waxaana tani ay kusoo beegmeysaa iyadoo maalmo ay ka harsan yihiin tartanka oo lagu wado in uu furmo 18-ka bishan.


Isbadalka ayaa yimid kaddib markii qaar ka mida kooxo horay isu diiwaan geliyayay ka bexeen tartanka halka koox cusubna ay tartanka kusoo biirtay. Kooxda Falcans ee jasiirada Zanzibar ayaa gebi ahaanba tartanka isaga baxday oo aan imaan doonin iyadoo booskeediina ay durbaba soo buuxisay kooxda Electric—sport ee dalka Chad.

Arrintana yaa keentay in xafiiska xoghayaha guud ee ururka kubada cagta bariga iyo Bartamaha Africa ee CECAFA Mr. Nicholas Musonye uu si deg deg ah usoo saaro jadwalka cusub oo la filayo in aan mar dambe wax laga badalin maadaama kooxaha kale oo dhan ay diyaar yihiinwaqtiguna dhowyahay.

Kooxaha Simba iyo Younga oo ka socda dalka Tanzania iyo Tusker oo Kenya ah ayaa iyaguna tartanka ka baaqsanaya iyadoo boosaskoodiina kooxo kale ay buuxiyeen.



Kooxda Elman ee ka socota dalka Soomaaliya ayaa ku jirta group-ka A oo ay kula jiraan kooxo ad-adag oo ay ka mid tahay Kooxda Elmarrerikh ee dalka Sudan, sidoo kale kooxaha APR iyo Vtalo oo ka kala socda dalalka Rwanda iyo Burundi ayaa ku wada jira group-ka A.


Kooxda elman ee dalka Soomaaliya ayaa cayaarta ugusoo horeysa waxaa ay la yeelan doontaa koxoda APR ee dalka Burundi cayaartaas oo ka dhici doonta garoonka Elfasher.

                                                                             JADWALKA CUSUB

 


DATE

NO.

TEAMS

GROUP

VENUE

TIME

Tue. 18thJun. 2013

1

Al-Hilal (k)Vs URA

C

KaduglI

3.00 Pm

Wed.19thJun. 2013

2

ELMAN Vs APR

A

Elfasher

3.00 Pm

3

MERREIKH Vs Vitalo

A

Elfasher

5.00 Pm

Thur.20thJun. 2013

4

URA Vs AL AHLY

C

KaduglI

3.00 Pm

5

PortsVs EXPRESS

B

Elfasher

3.00 Pm

6

Electric Vs Rayon

B

Elfasher

5.00 Pm

Frid. 21st Jun.2013

7

VitaloVs ELMAN

A

Elfasher

3.00 Pm

8

APR Vs MERREIKH

A

Elfasher

5.00 Pm

Sat. 22nd.Jun.2013

9

Express Vs Rayon

B

Elfasher

3.00 Pm

10

Electric VsPorts

B

Elfasher

5.00 Pm

11

AL AHLY Vs Al-Hilal

C

KaduglI

3.00 Pm

Sun.23rdJun. 2013

12

VitaloVs APR

A

Elfasher

3.00 Pm

13

MERREIKH Vs ELMAN

A

Alfasher

5.00 Pm

Mon 24th Jun 2013

14

RayonVs Electric

B

Alfasher

3.00 Pm

15

Express Vs Ports

B

Elfasher

5.00 Pm

Tue. 25th Jun.2013

REST DAY

Wed.26th Jun.2013

QUARTER FINALS

16

B1VsA2

Elfasher

TBD

17

C1VsA3

Elfasher

TBD

Thur.27thJun. 2013

18

A1VsB3

Elfasher

TBD

19

B2VsC2

Elfasher

TBD

SEMI FINALS

Fri. 28th Jun 2013

20

WINNER16 VS WINNER 17

EL-FASHER

TBD

Sat 29th Jun 2013

21

WINNER18 VS WINNER 19

EL-FASHER

TBD

Sun.30thJun. 2013

REST DAY

Mon. 1st July 2013

FINALS

22

LOOSER 20 VS LOOSER 21

EL-FASHER

TBD

23

WINNER 20 VS WINNER 21

EL-FASHER

TBD


 

 

Somali Football Federation Media department

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment