Guddoomiye naadi oo muddo dheer shaqeynayay oo geeriyooday.

Wednesday April 25, 2012 - 16:45:32
0 Comments
2165
Shaafici Muxyidiin
Xaaji Cabdulle Rooble oo ku magac dheeraa (Jusle) ahaana aas aasihii iyo guddoomiyihii naadiga Kesco ee kubada cagta ayaa maanta barqanimadii ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaana uu ahaa 73 jir, sida eheladiisu ay sheegeen.


Geerida waxaa lagu shaaciyay warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta maanta.

Xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed Waxaa uu sheegay in guddoomiyaha geeriyooday ku dhawaad 2 sanadood ka hor arrimo caafimaad loogu qaaday dalka Kenya oo uu muddo ku xanuunsanayay kuna geeriyooday maanta barqanimadii.

“Waxaa uu ahaa ninka ugu da’da weyn guddoomiyeyaasha naadiyada hada shaqeeya wax badan oo waaya aragnimo ah ayaana laga kororsada, waxaa uu ka mid ahaa dadkii ka qeyb qaatay dib usoo nooleynta kubada cagta Soomaaliya horaantii 90—meeyadii—Ilaahey meel qabow ha geeyo”sidaasi waxaa war saxaafadeedkiisa ku sheegay xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cabdi Qani Saciid Carab.

Waxaa uu war saxaafadeedku xusay in dhimashadiisu ay muujineyso in xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu uu waayay shaqsi kale oo weyn, waxaana dhimashada xaaji Cabdulle ay kusoo beegmeysaa todobaadyo kadib markii guddoomiyihii xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Saciid Mamuud Nuur lagu dilay qarax ismiidaamin ah oo Muqdisho ka dhacay, taas oo murugo weyn oo aan hory loo arag u ahayd bahweynta kubada cagta Soomaaliyeed.

“Xaaji Cabdulle waxaa uu ahaa aabaha guddoomiye yaasha naadiyada hada shaqeeya—run ahaantii waxaan na dhaafay nin weyn oo kaalin muuqata kasoo qaatay horumarinta kubada cagta Soomaaliya” sidaasi waxaa yiri gudoomiyaha naadiga Dahabshiil Cabdul Qaadir Cali Barre oo loo yaqaano (Fadhi).

Buuga tacsida ayaa laga furay xarunta xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta halkaas oo boqolaal ruux ilaa iyo markii warka geeridu soo if baxay ay saxiixeen si tacsidooda ay u gudbiyaan.

Somali Football Media Department

Email:somalifootballmedia@gmail.com

 



Leave a comment