Tartankii Degmooyinka oo semifinal soo gaaray

Saturday December 24, 2011 - 20:23:25
0 Comments
2727
Shaafici Muxyidiin
Wiilasha kubada Cagta ee degmooyinka Yaaqshiid iyo WadaJir ee gobalka Banaadir ayaa galabta xaqiiqsaday in ay usoo talaabeen wareega 4-ta ee semifinalka tartanka nabada gobalka Banaadir oo lixdii maalmood ee lasoo dhaafay ka soconayay garoonka Stadium Banaadir


Galabta waxaa sidii caadadu ahayd la qabtay laba cayaarood waxaana cayaarta hore ay dhex martay degmooyinka Yaaqshiid iyo Waaberi. Degmada Yaaqshiid ayaa dhigeeda waaberi kaga adkaatay 3-1,inkastoo cayaarta qeybteedii hore ay ku dhamaatay bar bar dhac 1-1 ah.

 

Weeraryahanka lagu magacaabo  Cabdishakuur maxamed Cusmaan ayaa goolka hore u dhaliyay kooxdiisa Yaaqshiid daqiiqadii 3-aad ee qeybat hore ee cayaarta. Laakin daqiiqadii 30-aad ee isla qeybta hore ayaa la barejeeyay degmada Yaaqshiid kadib markii Cumar Xasan Cabdulle uu kooxdiisa Waaberi u dhaliyay goolka qura.

 

Si kastaba ha ahaatee rajadii degmada Waaberi ayaa mugdi gashay kadib markii Maxamed Cusmaan oo numberka 10-aad xirta iyo Cabdi Siidow Xuseen ay goolashii 2-aad iyo 3-aad u dhaliyeen Yaaqshiid  daqiiqadihii 53-aad iyo 79-aad ee qeybta dambe ee cayaarta.

 

Cayaartii labaad Demada Wadajir ayaa dhulka madaxa u dhigtay degmada Howl-wadaag kadib markii 3-1 ay iyana ku quusisay Howl-wadaag oo wareegii hore ee tartanka rigooreyaal kagasoo gudubtay.

 

Goolka hore waxaa Howl-wadaag looga naxsaday daqiiqadii 10-aad ee cayaarta qeybteedii hore ,waxaana goolkaas degmada Wadajir u saxiixay cayaaryahanka lagu magacaabo Cusmaan xasan Cali oo daqiiqadii 53-aad sidoo kale gool u saxiixay kooxdiisa halka goolka sadexaadna uu isla kooxdan wadajir u dhaliyay cayaaryahanka la yiraahdo Feysal Maxamed Sheekh daqiiqadii 46-aad ee cayaarta.

 

“Wiilasheydu awood ayay leeyihiin, waxaana aad ugu rajo weynahay in koobka aan ku guuleysano”ayuu shir jaraa’id ka sheegay guddoomiyanha degamada Yaaqshiid Muxuyadiin xasan Jurus oo xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu uu ilaa iyo hada u aqoonsan yahay guddoomiyaha ugu kubad jacaylka badan guddoomiyeyaasha degmooyinkoodu tartanka ka qeyb galayaan.

 

Sidoo kale guddoomiyaha Degmada Wadajir Axmed xasan cadow ayuu xiriirku ku amaanay kaalinta uu cayaarayo waxaana labadan guddoomiye ay amaanta ku muteysteen dhiirigelinta lacageed oo ay u sameynayaan kooxohooda iyo kuwa kasoo horjeeda intaba.

 

Bari oo Axad ah waa la nasanayaa waxaana maalinta Isniinta ah is arki doona degmooyinka Hodon iyo Dharkeynley, halka Arbacadana ay wada cayaari doonaan Wada Jir iyo Yaaqshiid oo ah labada degmo ee tartanka ugu awooda badan.

 

Cayaarta finalka ayaa waxaa maalinta Jimcaha ah isaga hor imaan doona afartan degmo labadii soo baxda halka isla maalinta jimcahana kaalinta 3-aad ay u tartami doonaan labadii degmo ee semifinalka lagu reebo.

 

NB: Sawirro dheeri ah waxaad ka heli kartaan qeybta Englishka ee Webka www.somsoccer.com/english

 

Somali Football Media Department

 

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment