Wasiirada Isboortiga oo guddoomiyaha xiriirka ugu hambalyeysay guusha uu ka gaaray CECAFA

Saturday December 02, 2017 - 18:32:47
0 Comments
2113
Super Admin
Wasiirada Isboortiga iyo dhalinyarada dalka Soomaaliya Marwo Khadiija Maxamed Diiriye, ayaa hambalyo u dirtay guddoomiye Cabdiqani Saciid carab guusha uu mar kale dalka Soomaaliya usoo hooyay.


"Anigoo ku hadlaya magaca dowlada Federalka Soomaaliya iyo magaceyga waxaan hambalyo u dirayaa Guddoomiyaha xiriirka kubada Cagta Soomaaliya cabdiqani Saciid Carab dib u doorashadiisa. Tani waxay Soomaalida oo dhan u tahay waqti kale oo guul xambaarsan”ayay qoraal ay soo saartay ku sheegtay Marwo khadiija Maxamed Diiriye maanta.


"Soomaaliya horay ayay u socotaa, dibna u laaban meyno. Dalku wuxuu kasoo kabsanayaa nidaam darro muddo dheer jirtay. Ka wasiir ahaan waxaan cadeynayaa in wasaarada ay ka go’antahay in si buuxda aan u horumarino Isboortiga dalka, mar aan dheereyna Soomaaliya si dhab ah ayay usoo wada kabsan doontaa”ayay hadalkeeda sii daba dhigtay waasiirada dhalinyarada iyo Isboortiga dalka Soomaaliya Marwo Khadiija Maxamed Diiriye.

 



Somali Football Federation Media Department

Email:info@somsoccer.com


Leave a comment