Isku aadka tartanka dugsiyada oo lasoo saaray

Monday November 07, 2011 - 17:11:28
0 Comments
2479
Shaafici Muxyidiin
Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa maanta oo isniin ah ku dhawaaqay isku aadka tartanka kubada cagta dugsiyada ee 2011-ka. Qoraal saxaafadeed kasoo baxay xafiiska warfaafinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa lagu sheegay in tartankan muddo laba bilood ah qaban qaabadiisu socotay, waxaana si wada jir ah uga shaqeynayay xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta iyo ururka ardayda Soomaaliyeed.


Saaka ayaa saraakiil ka kala socotay xirirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ururka ardayda iyo maamulayaasha iskullada waxaa ay kulankoodii ugu dambeeyay ku yeesheen xarunta ururka ardayda Soomaaliyeed,kulankaas kadibna waxaa uu xiriirka Soomaaliyeed soo bandhigay isku aadka tartanka.

Ku xigeenka xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Xasan Maxamed Maxamuud Xasan Farey ayaa sheegay in tartanka dugsiyadu uu muhiimad weyn u leeyahay xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta marka loo eego hoos kaoo bilaabida kubada cagta.

Waxaa uu Xasan farey intaa ku daray in xiriirkiisu uu aad ugu mahad celinayo ururka ardayda Soomaaliyeed kaalinta uu ku leeyahay hir gelinta tartamada dugsiyada. Isagoo sidoo kalana maamulayaasha iskuullada uga mahad celiyay sida ay usoo dhaweeyeen qabashada tartanbka dugsiyada xili dalku xaalad adag marayo.

Dhankiisa guddoomiyaha ururka ardayda Soomaaliyeed Maxamed Cabdullaahi ayaa sheegay in tartankani uu noqonayo kii 3-aad ee xiriirka Soomaaliyeed iyo ururka ardaydu si wada jir ah u qabtaan tan iyo sanadkii 2009-kii.

“Sii socoshada tartamada iskuulada waxaa ay cadeyn buuxda u tahay sida ay usii xoogeysaneyso wada shaqeynta udhexeysa xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta , ururka ardayda iyo maamulada iskuulada”ayuu yiri guddoomiyaha ururka ardayda soomaaliyeed Maxamed Cabdullaahi.

Sida ku cad isku aadka waxaa tartanku uu soo dhamaan doonaa 20-ka bishan isagoo bilaabanaya khamiista inasoo aadan oo taariikhduna ku beegan tahay 9-ka bisha. Waxaa qoraalka kasoo baxay xafiiska warfaafinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta lagu sheegay in caruurta tartanka ka qeyb galeysa ay yihiin 13-15 jirro oo cid ka weyn aan loo ogoleyn.

 Cayaarta ugu horeysa waxaa isaga hor imaan doona dugsiyada kala ah Xamar Jabab VS Macmuur, sida jadwalka maanta lasoo saaray ku cad.

Somali Football Media Department

+252699 969815 Cell

+2521 600601 Fax

+2521 235057 Office

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment