Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta oo soo dhaweeyay deeqda FIFA siisay Soomaaliya

Thursday August 11, 2011 - 17:35:05
0 Comments
2269
Shaafici Muxyidiin
Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa si weyn usoo dhaweeyay kaalmada bini’adanimo ee ururka kubada cagta aduunka ee FIFA uu ugu deeqay wax ka qabashada dhibaatooyinka ka jira dalka Soomaaliya.


Deeqdan oo dhan hal milyan oo doolar ayaa waxaa xalay ku dhawaaqay ururka FIFA waxaana ay tahay jawaab dhab ah oo ay FIFA ka bixineyso abaaraha ka jira dalka Soomaaliya oo caalamku si weyn hada ugu gurmanayo.

War saxaafadeed maanta oo khamiis ah kasoo baxay xafiiska warfaafinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa lagu sheegay in kaalmada bini’aadanimo ee FIFA ay gacan ka geysan doonto bad-baadinta boqolaal kun oo Soomaali ah oo hada qarka u saaran in ay gaajo u dhintaan.

War saxaafadedka ayaa xusay in kaalamada bini’aadanimo ee FIFA bixineyso ay kusoo beegmeyso xili dadka abaaruhu soo barakiciyeen ay gaajo iyo haraad ugu dhimanayaan wadooyinka isku xira Muqdisho iyo deegaanada ay kasoo carayanaan iyagoo usoo qaxaya magaalada Muqdisho oo hey’adaha samafalku ay fursad u helayaan in ay kaalamo gaarsiiyaan.

“Muddoyinkii lasoo dhaafay waxaa xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu uu si is daba joog ah FIFA ugu gudbinayay warbixino ku saabsan dhibaatooyinka abaareed ee ka jira dalka Soomaaliya si ay gacan uga geysato, waxaana jawaabta deg dega ah ee FIFA ka timid ay tahay mid na farxad gelineysa oo xusuusteeduna ay ku raagi doonto maskaxda ruux kasta oo Soomaaliyeed”ayaa lagu yiri war saxaafadeedka kasoo baxay xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta.

Waxaa war saxaafadeedka lagu sheegay in xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu uu aad ugu galad hayo ururka kubada cagta aduunka ee FIFA garashadiisa ku aadan in uu xiligan gacan ka geysto samata bixinta shacabka soomaaliyeed, iyadoo xiriirka iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeedba ay aad ugu faraxsan yihiin arrinkan soona dhaweynayaan.

“Jawaabta bini’aadnaimo ee FIFA waxaa ay muujineysaa in FIFA ayan ku koobneyn oo keliya horumarinta kubada cagta dalka Soomaaliya laakin ay sidoo kale door weyn ka cayaareyso bad-baadinta boqolaal kun oo Soomaaliyeed oo dhibataooyin bini’aadanimo ay heystaan, kuwaas oo qaarkood ay dagaalo iyo abaaro muddo dheer jiray soo barakiciyeen halka kuwa kalana ay dagaaladu naafeeyeen” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta kaoo baxay maant.

“Ururka kubada cagta aduunka ee FIFA wuxuu qaaday talaabo aad u weyn oo dhanka bini’aadanimada ah taas oo xusid mudan, bahweynta kubada cagta Soomaaliyeed, ururada bulshada rayidka oo ay ku jiraan dhaqaatiirta iyo haweenka, siyaasiyiinta iyo hogaamiyeyaasha dhaqanka intuba aad ayay ugu faraxsan yihiin go’aanka ay qaateen guddiga fulinta FIFA ee uu hogaamiyo madaxweyne Joseph S. Blatter”ayaa lagu yrii war saxafadeedka xafiiska warfaafinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta kasoo baxay maanta.

Waxaa war saxaafadeedku uu amaan balaaran usoo jeediyay guddiga caalamiga ah ee laan kheyrta cas oo uu sheegay xiriirku in uu howl bini’adanimo horay uga waday dalka Soomaaliya, kaas oo uu hadana xiriirku ku booriyay in deeqda lagusoo hagaajiyay uu u maareeyo sida ay FIFA ugu tala gashay.

“Saaxiibka dhabta ah waa kan kugu xusuusta xiliga baahida sidaa daraadeed xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu waligiis ma halmaami doono gacanta bini’aadnimo ee FIFA u fidisay shacabka soomaaliyeed taas oo qeyb ka ah isku dayga lagu bad-baadinayo boqolaal  kun oo Soomaaliyeed oo gaajo in ay u dhintaan qarka u saaran”ayuu lagu soo gabagabeeyay war saxaafadeedkii maanta kasoo baxay xafiiska war faafinta ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta.

Somali Football Media Department

+25250 930226 Office

+2521 235047 Office

+2521 600601 Fax

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment