Kubada Cagta oo horumar ka sameysay bartamaha Soomaaliya

Friday August 05, 2011 - 17:19:49
0 Comments
2350
Shaafici Muxyidiin
Inkastoo ay jiraan dhibaatooyin xagg garoomada, qalabka iyo dhaqaalaha ah hadana cayaarta kubada cagta ayaa kusii faafeysa horumarna ka sameyneysa gbalka Galgaduud ee ku yaala bartamaha dalka Soomaaliya.


Shalay khamiistii ayaa waxaa degmada Guri-Ceel ee bartamaha Soomaaliya lagusoo gabagabeeyay tartan kubada cagta ah oo socday muddo 4 todobaad ah ayna ka qeyb galeen 8 kooxood oo ka kala yimid Guri ceel iyo deegaanada ku teedsan.

 

Tartanka ayaa waxaa abaabulay xiriirka kubada cagta ee gobalka oo kaashanaya xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta. Mid ka mida dadka deegaanka ahna madaxa xafiiska ICRC ee gobalka Galgaduud Maxamed Cilmi Damdamle ayaa sidoo kale gacan weyn ka geystay habsami usocodsiinta tartanka waxaana uu sidoo kale maalgeliyay munaasabadii gabagabada tartanka isagoona balan qaaday gacan siin intaa ka weyn.

 

Mr. Damdamle qudhiisu waxaa uu ahaa kabtanka kooxdii koobka qaaday ee Iftin, waxaana kooxdiisu ay cayaartii kama dambeysta ahayd 4-2 kaga adkaatay kooxdii kasoo hor jeeday ee Waberi.

 

Cayaartaas ayaa waxaa dawaanayay guddoomiyaha xiriirka kubada cagta ahna guddoomiyaha Olombikada ee gobalka Galgaduud Cabdirashiid Aadan Rooble iyo masuuliyiin ka socotay maamulka Ahlu suna ee gobalka Maamula.

 

“Waxaan aad ugu mahad celinayaa xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta gacanta weyn ee uu nasiiyay si aan u horumarino dhaq dhaqaaqyada kubada Cagta gobalka oo hada cayaarta kuhbada cagtu ay ka nooshahay aana ku rajo weynahay horumar intaa ka weyn sanadaha soo socda”ayuu yiri Guddoomiye Cabdirashidi Aadan Rooble oo loo yaqaano Shig Shigow.

 

“Gobal kasta dadkiisa ayaa horu mariyay sidaa daraadeed waxaan dadka kubada cagta jecel ee gobalkan kasoo jeeda meel kasta oo ay aduunka ka joogaanba ugu baaqayaa in ay gacan ka geystaan horumarka kubada cagta—waxaana maan balaaran usoo jeedinayaa madaxa xafiiska ICRC ee gobalka Galgaduud Maxamed cilmi Damdamble oo gacan weyn aan ka helnay”ayuu yiri guddoomiyaha oo ganacsatada deegaankana ugu baaqay in ay kubada cagta gobalka maalgeliyaan.

 

Xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cabdi Qani Saciid Carab oo munaasabadii gabagabada qadka teleefonka hadal uga jeediyay ayaa sheegay in xiriirka Soomaaliyeed uu dhiiri gelinayo hour marka kubada cagta ee gobalada.

 

“Waxaa naga go’an in aan horumarino cayaarta kubada cagta dalka Soomaaliya gees ka gees, waxaana mahad celin balaaran u jeedinayaa maamulayaasha kubada cagta ee gobalka oo shaqo wanaagsan qabtay, garabkooda ayaana mar kasta taaganahay”ayuu yiri xoghayaha guud oo munaasabadii gabagabada tartankaas qadka telefonka kaga qeyb galay shalay Khamiistii.


 

 

Somali Football Media Department

 

+2521 235047 Office

+25250 930226 Office

+2521 600601 Fax

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment