Tartankii Futsalka nabada oo dhamaaday

Wednesday July 20, 2011 - 14:48:00
0 Comments
3200
Shaafici Muxyidiin
Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cgta ayaa shalay Salaasadii soo gabagabeeyay tartan Futsal ah oo lagu dhiiri gelinayay nabada iyo saaxiibtinimo ka dhex abuurka dhalinyarada Soomaaliyeed, waxaana koobkii ku guuleysatay kooxda Nucmaan.


Cayaartii kama dambeysta ahayad oo aad u adkeyd ayaa dhex martay kooxaha Nucmaan iyo Horseed waxaaa ay ku dhamaatay 8-2 ay guushu ku raacday kooxda Nucmaan oo koobkiina la hoyaaday.

 

Tartanka nabada Futsalka ayaa ah mid uu xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu sanadkiiba mar qabto waxaana loogu talagalay in lagu dhiirigeliyo nabada iyo is dhex galka dhalinyarada Soomaaliyeed.

 

Kadib markii cayaarta finalku ay soo dhamaatay ayaa garoonka Futsalka ee degmada waaberi waxaa lagu qabtay munaasabad yar oo loogu talagalay in gabagabada tartanka lagu maamuuso.

 

Guddoomiyaha degmada Waaberi Axmed Meyre Makaraan ayaa sheegay in uu aad ugu galad hayo xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta doorashadii uu doortay in uu tartanka ku qabto degmadiisa.

 

Ku xigeenka xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Xasan Maxamed Maxamuud “Farey” oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay in tartanka ay ka qeyb galeen 8 kooxood isla markaana uu si guul ah kusoo dhamaaday kaas oo dhalinyaradii ka qeyb gashay qaarkood horay loogu dhaqan celiyay barnaamijyo uu qabtay xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta.

 

“Tartankani waxaa uu dhalay natiijo wanaagsan marka loo eego is dhex galka iyo saaxiibtinimada uu u abuuray dhalinyarda Soomaaliyeed”ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Cabdullaahi Abow Xuseen mar uu koobka kaalinta 1-aad guddoonsiinayay kabtanka kooxda koobka qaaday ee Nucmaan.



 

Somali Football Media Department

 

+2521 235047 office

+25250 930226 Office

+2521 600601 Fax

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment