Tartankii ugu horeeyay muddo 3 sanadood ah oo lagu qabanayo Beledweyne.

Monday May 28, 2012 - 11:13:59
0 Comments
2580
Shaafici Muxyidiin
Macalimiinta 8-da kooxood ee ka dhisan xaafadaha Magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa u fariistay tababar macalinimo kaas oo qeyb ka ah u diyaar garowga horyaalkii xaafadaha Magaalada oo aan la qaban muddo 3 sanadood ah oo gobalka uu ka jiray maamulkii Al-shabaab.


Waxaa tani ay kusoo beegmeysaa qiyaastii 5 bilood uun kaddib markii maamulka dowlada ku meel gaarka ah uu gobalka la wareegay.

Tababarkan ayaa waxaa bixinaya Maxamed Cabdullaahi Buraale oo ka mid ahaa dhalinyaradii dhawaan lagusoo tababaray barnaamijka horumarinta kubada cagta goballada qeybtiisii koobaad ee lagu qabtay Gal-Mudug. Sidoo kale Cali Xasan Beyle oo isna ka mid ahaa garsooreyaal lasoo tababaray ayaa bixinaya qeybta macalimiinta ka quseysa xeerka kubada cagta oo ay muhiim tahay in macalimiintuna ay bartaan.

Guddoomiyaha maamulka Kubada cagta ee gobalka Hiiraan Xasan Xaaji Cumar oo munaasbadii furitaanka tabarkan ka hadlay ayaa sheegay in maamulkiisu uu ku talo jiro in uu dib u bilaabo ciyaarihii xaafadaha magaalada oo muddo 3 sanadood ah aan la qaban.

“Waxaan aad ugu mahad celimneynaa xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta oo tababar horay usoo siiyay macalimiinta hada tababarka noo bixinaya,waxaana ka rabnaa xiriirka in uu noo qabto tababaro kale si horumar deg deg ah oo kubada cagta ah uu gobalku u gaaro”ayuu yiri guddoomiye Xasan Xaaji Cumar oo munaasabadii furitaanka tababarka ka hadlayay Sabtidii.

Waxaa uu guddoomiyuhu sheegay in tababarkan oo socon doona muddo 5 maalmood ah uu soo dhamaan doono maalinta Arbacada ah ee inasoo aadan.

Xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta cabdi Qani Saciid Carab ayaa dhankiisa sheegay in tababarkani uu qeyb ka yahay qorshaha xiriirka ee ku aadan in awooda kubada cagta lagu balaariyo gobalada dalka oo dhan.

“Waxaan amaan gaar ahaaneed u dirayaa mutadawiciinta kubada cagta ee gobalka oo ay ka mid yihiin macalimiinta da’da yar oo door weyn ka cayaaraya horumarinta aqoonta kubada cagta ee gobalkooda”ayuu xoghayaha guud ku sheegay war saxaafadeed uu soo saaray maanta oo Isniin ah.

“xiriirka Soomaaliyeed ee kubada  cagu si aad ah ayuu usoo dhaweynayaa talaabooyinkan horay loo qaaday ee ku aadan dhanka horumarinta kubada cagta, waxaana dhiiri gelineynaa in gobalada oo dhan ay si gaar ah u abaabushaan tababro noocan oo kale ah anaguna wixii gacan ah waan la garab taaganahay”ayuu hadalkiisa sii daba dhigay xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta cabdi Qani Saciid Carab oo sheegay in marka hore lagama maarmaan ay tahay in goballadu ay muujiyaan sida ay uga go’antahay in ay wax qabsadaan.

NB: SAWIRO DHEERI AH KA DAALOCO QEYBTA ENGLISH-KA www.somsoccer.com/english

Somali Football Media Department

Email:somalifootballmedia@gmail.com

 

 



Leave a comment